Booliska Somalia oo lagu soo wareejiyay Askari Muqdisho ku dilay Sarkaal Ciidan una baxsaday Koonfurta Suudaan

by admin | Tuesday, May 16, 2023 | 109 views

Diyaarad sidda eedeysane Dable Boliis. Zakariye Cali Axmed Cosobow, oo ku eedeysan inuu 28/July/2022, Degmada Dayniile gaar ahaan Waaxda Kordamac ugu geystay dil bareer ah Marxuum Ex- Xidigle Biolis Cali Xasan Siyaad (Cali Tareen) oo ka tirsanaa Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa xalay kasoo degtay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Garoonka waxaa ku sugnaa Ehelada Marxuumka, saraakiil ka tirsan Boliiska Soomaaliyeed iyo Boliiska Interpol iyo masuuliyiin kale, waxaana eedeysanaha lagu wareejiyay Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Doodishe ayaa faah faahin ka bixiyay sida ay ugu suurto gashay in askariga dilka ka geystay Magalada Muqdisho ee u baxsaday dalka Koonfurta Suudaan lagu soo qabto.

CODKA

Dhawaan ayaa waxaa la filayaa in Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya in uu kasoo muuqdo Eedeysane Dable Boliis. Zakariye Cali Axmed Cosobow si cadaaladda loo marsiiyo.

Like it? Share it!

Leave A Response