Booliska Soomaaliya oo sheegay in la qabtay nin kufsi & dil geystay

by admin | Wednesday, Jan 27, 2021 | 322 views

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay inay gacanta lagu dhigay  Nin Kufsi iyo dil kaam ku yaal duleedka Magaalada Muqdisho ugu geystay Gabar 8 sano jir aheyd.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in shalay oo ku beegneyd 26-ka Bisha Janaayo Nin Magaciisa ku sheegay Daahir Maxamed Qaasim laakin Magaciisa rasmiga ah uu yahay Bashiir Maxamed Qaasim uu kufsi iyo dil uu ka geystay kaam ku yaal duleedka Magaalada muqdisho.

Waxaa uu sheegay AfhayAenka in Ninkaasi uu kufsi isugu daray Gabar yar oo 8 sani jir aheyd xilli ay ku sugneydn kaamka Saddex Buurood oo ku yaal inta u dhaxeeysa degaannada Xaawa Cabdi iyo Calamada.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in eedeysanaha oo falkaasi qirsan gacanta lagu soo dhigay, isla markaana haatan lagu haayo xarunta Hay’adda dambi barista ee CID-da si baaris dheeraad ah loogu saeeyo, kadibna Maxkamad loo geeyo.

Ugu dambeyn Afhayeenka waxaa uu sheegay in qof walba ee gala dambi nooca uu doono ha ahaadee in hay’adaha amniga Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan.

Like it? Share it!

Leave A Response