Caalamka oo ka walaacsan farsamo casri ah oo khatar ku ah ammaanka dunidda

by admin | Tuesday, Jul 4, 2023 | 182 views

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay qabanayaan kulankii ugu horreeyey ee ku saabsan, halista uu Garaadka Macmalka ah ee la horumariyey “Artificial Intelligence“, uu ku hayo nabadda iyo xasiloonida caalamka. Bishan July 18-keeda ayaa loo ballansan yahay in la qabto kulankii ugu horreeyey ee noociisa ah ee lagaga hadlo, halistan ku soo korodhay caalamka, waxaana kulankan gadhwadeen ka ah dawladda Ingiriiska.

Garaadka Macmalka ah ayaa loo arkaa inuu halis badan ku hayo, ammaanka dunida, maadaama si madax-banaan loogu adeegsan karo maamulka, hubka meelaha durugsan laga hago ama xataa hubka nukliyeerka oo ku xidhan aaladaha internetka ku shaqeeya.

Danjiraha Ingiriiska u fadhida Qaramada Midoobay ayaa Isniintii shaacisay, in dalkeedu uu horkacayo, sidii caalamku wax isaga weydiin lahaa halista barnaamijyada ku shaqeeya Garaadka Macmalka ah ee horumarsan.

Shirkan ayaa la filayaa in lagu marti-qaado khubaro aqoon durugsan u leh, Garaadka Macmalka ah, iyo weliba Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, kaasoo toddobaadkii hore soo saaray qaylo dhaan ku aaddan, xawaaraha ay ku socoto, horumarinta barnaamijyada ku shaqeeya Garaadka Macmalka ah.

Like it? Share it!

Leave A Response