Cabsi ka taagan xeebaha Gobolka Bari

by admin | Saturday, Oct 13, 2018 | 897 views

Cabsi laga qabo dabeyl la sii saadaliyay ayaa ka taagan xeebaha gobolka Bari ee dowlad goboleedka Puntland.

Dabaylo roob wata ayaa xalay ka bilowday xeebta gacanka Gardafuu ee bariga fog ee Puntland.

Dadka degaannada ku teedsan xeebaha ee dowlad goboleedka Puntland ayaa warbaahinta qaar u sheegay in dabaylo iyo roob is-wataa ay ku bilowdeen,balse aysan ilaa iyo hadda wax dhibaato ah geysan.

Dabaylaha iyo roobku waa ay sii xoogaysanayaan Saacadba saacadda ka dambeysa, waxaana jirta digniino kala duwan oo kasoo baxaya maamulada degaanada iyo Hay’adaha gargaarka.

Duufaanta Luban ee ka soo kicitintay badda carbeed ayaa la filayaa in  ay maanta soo gaari doonto Gobollada Bari iyo Sanaag .

Like it? Share it!

Leave A Response