Cabsi soo wajahday dadka kunool deegaan ka tirsan Gobolka Gedo

by admin | Wednesday, Jul 19, 2023 | 195 views

Dad rayid ah oo ku dhaawacmay duqeyn habeen hore ay diyaarado dagaal ka geysteen deegaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, ayaa lagu wadaa in maanta la keeno magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, si loogu dabiibo.

Diyaaraddo ay leeyihiin ciidamada dowladda Kenya ayaa duqeymo ka geystay todobaadyadii la soo dhaafay deegaanka Ceelcadde, waxaa ku dhintay ugu yaraan laba qof oo rayid ah uuna kamid yahay wadaad si wanaagsan looga yaqaano deegaanka.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda BBC-da ayaa u sheegay inay soo wajahday cabsi la xiriirta duqeymaha ay deegaano ka tirsan Gedo ka geysanayaan diyaaradaha Kenya, isla markaana Ceelcadde ay ka taagan tahay xaalad adag,

Sidoo kale dadka ayaa tilmaamay inay qaarkood u barakaceen deegaannada miyiga ah ee kaabiga ku haya Ceelcadde, si ay uga fogaadan duqeymaha dhacaya, iyagoona intaas kusii daray inay dalbanayaan in dowladda Kenya ka joojiso dhibaatada.

Si kastaba duqeymaha diyaaradaha dagaalka wadanka Kenya ay fuliyaan ayaa waxaa khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa dadka rayidka ah ee ku nool deegaanadaas.

Like it? Share it!

Leave A Response