Canada oo dalkeeda ka mamnuucday ajaaniib badan

by admin | Tuesday, Mar 17, 2020 | 495 views

Ra’iisul wasaaraha Canada, Justin Trudeau ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa laga mamnuucay inay galaan dadka ajaaniibta ah marka laga reebo muwaadiniinta Mareykanka iyo dadka heysta deganaanshaha joogtada ee wadankaasi.

Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay xakameynta fayraska Corona.

Shirkadaha diyaaradaha ayaa lagu amray in aysan geyn wadankaasi dadka lagu arko calaamadaha cudurka, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha.

Mr Trudeau wuxuu ka dhawaajiyay in go’aannada uu dalkiisa qaatay uu ku wargeliyay hogaamiyeyaasha dalalka G7 ee uu iskaashiga kala dhexeeyo.

“Xilli fayraska uu sii faafayo, waxaan go’aansannay in aan qaadno tallaabooyin si aan u ilaalinno badqabka qoysaska,” ayuu yiri Trudeau.

Ra’iisal wasaaraha wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in tallaabooyinka ay ka qeybqadaan karaan badbaadinta dad badan.

Like it? Share it!

Leave A Response