Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Howlgallada cirka iyo biyaha ayaa socda si loo soo badbaadiyo tobanaan qoys oo ku go’doonsanaa guryahooda oo ku yaalla deegaanka Nyando ee galbeedka Kenya iyadoo daadad aan kala joogsi lahayn ay ku dhufteen guud ahaan dalka. Sabtidii, Wabiga Nyando ayaa qarka jabsaday, isagoo hoos u dhigay dhowr tuulo, wuxuuna curyaamiyay isu socodkii wadada mashquulka badan ee Kisumu-Nairobi. In...

Jidka weyn ee Tansaaniya oo dhererkiisu yahay 396 kiiloomitir oo isku xira magaalada dekedda ah ee Dar es Salaam iyo gobollada koonfurta ee Lindi iyo Mtwara ayaa la xidhay Axaddii ka dib markii daadad xooggan ay qaadeen ugu yaraan afar buundooyinka waaweyn. “Waddada weyn waa la xiray illaa ogeysiis dambe,” Joseph Mwasabeja, Taliyaha Ciidanka Dab-damiska iyo...

Warbixin dhawaan ka soo baxday howlgalka ATALANTA ee Midowga Yurub ayaa walaac ka muujisay khatarta sii kordheysa ee burcad badeeda Soomaalida. Warbixintu waxa ay iftiimisay kororka shilalka kuwaas oo kordhin kara khatarta budhcad-badeedda ee gobolka. Sida laga soo xigtay Midowga Yurub, burcadbadeedda ayaa lagu soo waramayaa inay bilaabeen afduubka doomaha dheereeya si...

Pakistan iyo Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in deg deg loo sameeyo xabad joojin deg deg ah oo laga sameeyo Gaza, isla markaana aan la carqaladeynin in gargaar bini’aadantinimo la gaarsiiyo dadka Gaza. Sidaasi waxaa sheegay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Senator Mohammad Isxaaq Dar iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Saalax...

Dadka reer Chad ayaa maanta oo isniin ah u dareeraya goobaha cod bixinta saddex sano ka dib markii hogaamiyahooda militariga uu la wareegay xukunka, doorashadii ugu horeysay ee madaxtinimo ee gobolka Saaxil ee Afrika tan iyo mowjado afgambi ah. Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Mahamat Idriss Deby, oo xukunka la wareegay maalintii fallaagada ay dileen aabihiis muddada...

Somaliland ayaa si cad uga hadashay dhul-badeedkeeda, waxaanay sheegtay in aanay ciidamada badda ee Turkiga ka hawlgalin xeebaha Somaliland. Baaqan ayaa daba socda heshiiskii ilaalinta badda ee ay dhawaan wada gaareen Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo su’aalo la iska weydiinayo dhaq-dhaqaaqyada badda ee Turkigu ka wado Somaliland. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Ciise...

Xuutiyiinta ayaa ku celceliyay digniinta ah in la weeraro maraakiibta u socda ama xiriirka la leh Israel – oo ay ku jiraan kuwa ku sugan badda Mediterranean-ka – maadaama ay guul ka sheegteen ciidamada badda Mareykanka ee ku sugan badda cas. Wakaaladda wararka ee SABA oo ay Xuutiyiintu maamulaan ayaa ku warantay in wejiga afraad ee ololaha ay maleeshiyadu ku...

Madaxda Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka qeyb galaya shirka guddiga wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Kenya, kaasoo socon doona 3-da illaa 6-da May, 2024-ka. Wafdiga Soomaaliya waxaa hogaaminaya Maxamed Fatiir oo ah Agaasimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya. Shirku...

Webiga Shabelle ee dhex mara magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ku fatahay xaafado ka mid ah magalada baladweyne. Biyo fara badan ayaa galay Xafada Kulanta ka wada tirsan Beledweyne, iyadoo shacabka ku noolaa xaafadahaasi ay isaga barakacay guryahooda. Fatahaadda wabiga Shabelle ee Beledweyne ayaa marar badan soo laa laalabatay, mana muuqato qorshayaal...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho, waxaana ay ku wajahan yihiin magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kaddib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay. Inta uu ku sugan yahay magaalada Nairobi ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre...