Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow oo wax laga weydiiyay Amniga Muqdisho ayaa sheegay in Guulo waa weyn laga gaaray xagga amniga,islamarkaana ka go’an tahay sidii loo dar dar gelin lahaa Xoojinta Amniga guud ahaan dalka. Wasiir Isloow ayaa Ciidanka Amniga ku ammaanay sida hagaagsan ay u guteen Waajibaadka la saaray,isagoona carabka ku...

Barta ay bulshadu ku xiriirto ee Facebook ayaa dadka waydiisanaysa sawirro ay qaawan yihiin, si ay isugu daydo in ay ka hortagto dadka aargoosi ahaan u shaaciya sawirro qaawan. Sawirradan qaawanida ah ee dadka Britain la waydiisanayo waxay shirkaddu uga golleedahay in ay uga hortagto dadka aargoosi ahaanta u soo bandhiga sawirrada qaawanida ah. Tiknoolajiyaddaas ayaana...

Wararka naga soo gaaraya Degmada Hodan ee Bartamaha Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada amniga ay xalay sameeyeen howlgal balaaran oo ay ku soo qaqabteen Mootooyin ay sheegeen iney ahaayeen Sumad ama Taarigo la’aan. Mootooyinkan oo ku dhow Lixdameeyo ayaa la isugu geeyay Saldhiga degmada Hodan, Waxaana halkaasi gaaray Gudoomiye kuxigeenka amniga iyo Siyaasada...

Saacadihii la soo dhaafay waxaa Banaadir ka dhacay shir lagu daah-furay qorshaha midaynta iyo daadejinta sugidda amniga caasimadda iyada oo mas’uuliyadda qorshahan looga fadhiyo maamulka Gobalka Banaadir iyo guddoomiyayaasha degmooyinka kuwaas oo kaashanaya laamaha amaanka. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in wixii hada laga bilaabo ciidan kasta uu ka amar qaadan...

Taliska Ciidanka Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa wuxuu sheegay Duqeyn dhacday gelinkii dambe ee Arbacadii ina dhaaftay 23-ki bishan inuu ku beegsaday saldhig ururka Al-Shabaab ay ku lahaayeen meel 15 Mile ka xigta Koonfur Galbeed Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Mareykanka wuxuu sheegay duqeyntaasi inuu ku dilay ilaa 11 nin oo ka mid ahaa ururka Al-shabaab,...

Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in ay ka hortagtay Gantaal kuwa riddada dheer ah oo ay Xuutiyiinta Yemen saaka ku rideen Gobolka Jazan ee dalka Sucuudiga . Afhayeenka Rasmiga ah ee howlgalka Sucuudiga ka wado Dalka Yemen Malik Turki ayaa sheegay in Ciidanka difaaca cirka Sucuudiga ay qabteen gantaal ay Xuutiyiinta ku rideen Gobolka  Jazan. Waxaa uu sheegay in xalay 1:58...

Laamaha amaanka dowlada Somalia ayaa sheegay iney qabteen nin ay ku tuhunsan yihiin inuu Suuqa Bakaaraha ku dilay askari ka tirsan ciidanka Taraafikada. Kooxda Daacish oo sheegatay iney ka dambeysay dilkan ayaa soo bandhigtay sawiro muujinaya nin wejigiisa la qariyey oo bastoolad ku dilaya askari ka tirsanaa Taraafikada. Saraakiisha laamaha amaanka ayaa sheegaya in ninkan...

Deegaanka banyaaley oo ah xadka gobolada galgaduud iyo hiiraan waxaa kasoo cusboonaaday xiisado colaadeed oo u dhexeeya maleeshiyaad kasoo kala jeeda labada gobol, isbuucii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay dagaal kooban oo dhexmaray maleshiyaadkii halkaa kusuganaa waxaana iska hor imaadkaasi inta la,ogyahay ku geeriyooday sedex qof halka inkabadana aay ku dhaawacmen odayaal...

Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay 13 Wasiir kuwaas oo isugu jira Wasiirro,wasiir ku xigeenno iyo wasiiru dowlayaal. Waxaa ay kala yihiin 6 Wasiir, 5 wasiir ku xigeen iyo labo wasiiru dowle, kuwaas oo ka mid noqonaya xukuumadda Xasan Cali Kheyre. Wasiirrada waxaa ka mid ah Xamze Siciid Xamze oo loo magacaabay Wasiirka Gargaarka iyo...