Mareykanka oo sheegay inuu duqeyn la eegtay Shabaab{Akhriso}

by admin | Friday, May 25, 2018 | 957 views

Taliska Ciidanka Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa wuxuu sheegay Duqeyn dhacday gelinkii dambe ee Arbacadii ina dhaaftay 23-ki bishan inuu ku beegsaday saldhig ururka Al-Shabaab ay ku lahaayeen meel 15 Mile ka xigta Koonfur Galbeed Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Mareykanka wuxuu sheegay duqeyntaasi inuu ku dilay ilaa 11 nin oo ka mid ahaa ururka Al-shabaab, balse ma aanu kala saarin raggan in ay isugu jireen saraakiil iyo ciidan.

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanada la xiriira macluumka ku saabsan Duqeyntan iyo magacyada ragga lagu dilay, islamarkaana ay baarayaan in duqeynta waxyeelo lagu gaarsiiyay dad rayid ah.

“Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay weerar ku qaadeen Xagjirinta Al-Shabaab meel u dhaw Caasimadda Soomaaliya, galabnimadii Arbacada, waxaan ku dilnay 11 Argagixiso, waanu sii wadeynaa taageerada aan siino ciidanka qaranka.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Taliska (AFRICOM).

Warbixinta AFRICOM waxaa lagu sheegay in iyaga oo kaashanaya AMISOM iyo Dowladda Federaalka ah ay sii wadi doonaan hawlgallada noocan ah islamarkaana dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu Mareykanka ka sii wadayo Soomaaliya.

Madaxwenaha dalka Mareynkanka Donal Trump ayaa bishii April ee sanadkan saxiixay xaalad deg deg ah oo looga dan leeyahay in lagu kordhiyo weerarada dhanka cirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab, sidoo kalena lagu ciribtirayo kooxaha Burcad badeeda ee qatarta ku ah amniga marin biyoodka dalka.

 

http://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2018/05/

Like it? Share it!

Leave A Response