Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Kulanka ayaa ahaa mid looga wada hadlayay qaabka ugu wanaagsan ee Ganacsatada Soomaliyeed uga qeyb-gali lahaayeen shirka maalgashiga Somali-Turkey Forum ee sannadlaha ah oo lagu wado in uu ka dhaco Dalkaasi iyo waxyaabaha lagu soo bandhigayo. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wasiirkiisa Ganacsiga Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa dhageystay isbaddellada...

Ku-xigeenka Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibada dowladda China Hu Zhang Liang ayaa sheegay in uu uu jiro xiriir qota dheer oo soo jireen ah oo dowladda China kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya. Agaasimaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan maanta uu la qaatay Wariyayaal ka kala socday warbaahinta gudaha Soomaaliya oo booqasho 11 cisho ah ku jooga magaalada Beijing...

Dibadbaxyo carreysan ayaa ka billowday jasiiradda Suqatra ee u dhow Soomaaliya kadib markii Imaaraadka ay geeyeen 100 askari oo lagu daad gureeyey afar diyaarad. Dadka deegaanka ayaa taleefishinka Al-Jazeera u sheegay in afarta diyaarad ee Imaaraadka ay si sharci darro ah ku yimaadeen, si ay u cabsi geliyaan dowladda beesha caalamku ay aqoonsan tahay ee Yemen. Jaziiraddaan...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, oo ku sugan magaalada Brussels ee dalka Belgium, ayaa kulamo kala duwan la qaatay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qaaradda Yurub. Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa masuuliyiinta ka socotay qaar kamid ah jaaliyadaha Soomaaliya ee dalalka Yurub waxa uu la yeeshay kulamo kala duwan iyada oo qodobada...

Magaalada Beledweyne waxaa ka socda barakici ugu xooganaa oo ku saabsan fatahaada uu sameeyay Wabiga Shabeelle ee mara gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Biyaha ayaa si xoowli ah ugu fidaya xafadaha aay ka koobantahay magaalada Beledweyne,waxaana halkaas saga barakacay dadkii ku dhaqanaa oo u guuray duleedka magaalada Beledweyne. Biyaha ayaa laga cabsiqabaa...

Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa maanta soo bandhigtay sawirada Hub ay sheegtay in laga soo qafaashay xerada Gen. Gordan oo ku taalla degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Reuters ayaa waxa ay sheegtay 600 oo Qori oo nuuca AK-47 ah in laga soo qafaashay 600 oo Askari oo ka tirsan kuwa Imaaraadka ee ku jira xerada Gen. Gordan, kadib iska hor imaadkii dhexmaray Ciidanka xoogga...

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa doonaya inuu isku shaandheyn ku sameeyo golahiisa wasiirada. Ilo ku dhow xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa Xoghoose.com u sheegay in marka ay dhammaato doorashada guddoomiyaha golaha shacabka la isku shaandheyn doono wasiirada. Wasiirada aan bixi doonin waxaa ka mid ah Xoosh Jibriil, Bayle iyo...

Waxaa soo baxaya daldaloolo muujinaya in Imaaraadka ay dalkeenna Soomaaliya uga guuleysan karto haddii aanay DFS tallaabo degdeg ah qaadin. Imaaraadka oo doonaya in markii uu ka dhammaado Soomaaliya ku dhowaaqo inuu xiriirka u jaray, ayaa waxaa soo baxaya warar cusub oo aan heleyno. Hadaba waxyaabaha ay inooga guuleysan karaan: 1- Kala fogaanshiyaha shacabka Soomaaliyeed Waxaa...

Ciidamada Badda Liibiya ayaa sheegay in laba howlgal oo ay ka fuliyeen Xeebaha dalkaasi ay ku soo badbaadiyeen 263 Muhaajiriin Afrikaan ah iyo Meydadka 11 kale . Ayoub Kacem, oo ah Afhayeen ka tirsan Ciidamada Liibiya oo u warramay Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa sheegay in howlgalkooda koobaad ay ka sameeyeen deegaanka Sabratha, oo 70 KM u jira Caasimadda dalkaasi ee Tropoli,...