Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Gudoomiyaha xilka laga qaaday Cali Jeyte Cismaan ayaa manta laga sugayay in uu xilka ku wareejiyo gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cabdullaahi Sufurow ayaa sharuudo adag ku xeray. Xaflad aad loo agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Hiiraan,waxaana ka soo qeyb galay masuuliyiinta ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo Xildhibaanada Hirshabeelle, saraakisha...

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya wadada Buundooyinka ee degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab ayaa waxa ay sheegayaan in saakay aroortii uu halkaasi ka dhacay shil gaari oo geystay khasaare dhaawac ah.   Shilkan ayaa ka dambeeyay kadib markii ay isku dhaceen gaari BL-ah oo ka yimid dhanka degmada Xamar Weyne iyo gaari iska roge ah oo ka yimid dhinac Suuqa...

Waxaa magaalada Garoowe lagu soo gabagabeeyay shirka wadatashiga iskaashiga, mideynta iyo horumarinta warbaahinta dalka, waxaana shirkaa ka qeybgalay Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bahda Warbaahinta ah waxay ku yeesheen magaalada Garowe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland. Kullanka,...

Wararka naga soo gaaraya degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in haweeney Soomaaliyeed oo heystay Labo Carruur ah isku daldashay gurigeeda sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelada hooyadan is dishay. Haweeneyda oo lagu magacaabi jiray Xaawo Cali Maxamed ayaa la sheegay in ay isku soo xirtay gurigii ay degeneyd kaddibna xarig u isticmaashay...

Dowladda Uganda aya aku baaqday in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya loo tababaro Ciidan wadajir ah oo maniga dalka kala wareegi kara howlgalka AMISOM. Gen David Muhoozi,oo ah Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda ayaa sheegay in dhibka heysta Ciidanka Soomaaliya uu yahay in aysan helin tababar mid ah. Warbaahinta isaga oo kula hadlayay Magaalada Kampala ayaa wax laga weydiiyay...

Waxa magaalada Muqdisho ka bilowday ololaha lagu buuxinaayo Kursiga u iska casilay Ex Guddoomiyihii baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Kursiga uu baneeyay Jawaari ayaa waxaa u taagan Musharaxiin dhowr ah, oo iminkaba bilaabay dadaalkii ay uga qeybqaadan lahaayen liiska Musharaxiinta u taagan xilkaasi. Musharaxiinta u taagan Kursiga ayaa waxaa ku jira...

Qarax aad u weyn ayaa laga maqlay caasimadda Dimishiq ee dalka Suuriya Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo. Dalalka Mareykanka, Fransiiska iyo Britain ayaa duqeymo ay kaga jawaabayaan sunta la sheegay in dowladda Suuriya ay adeegsatay ka fuliyay gudaha wadanka Suuriya. Raysal wasaaraha Britain, Theresa May oo iyaduna ka hadashay weerarka ayaa sheegtay in weerarada...

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in marti gelinta shirka weynaha caalamiga ah ee Culummada Suufiyada oo lagu qabtay magaalada Muqdisho uu muujinayo kaalinta muhiimka ah ay u leedahay caalamka iyo sida loogu sii kalsoonaanayo. Guddoomiyaha oo booqday Xarunta Macalin Nuur ee Magaalada Muqdisho...

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Qatar ayaa si kulul loogu cambaareeyay Qarixii ka dhacay Garoon Kubadda lagu cayaaro oo ku yaalla Magaalada Baraawe ee Caasimadda maamulka Koonfur Galbeed. Wasaaradda arimaha dibadda ee Qatar ayaa ku celcelinaysa sida ay ugu soo horjeedo isla markaana u diidan tahay rabshadaha gacan ka hadalka ah ee argagaxisada...

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socota qaban qaabada munaasabadda uu xilka kula wareegayo guddoomiyaha cusub ee gobolka Cabdulahi Axmed Maalin. Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Baladweyne ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo munaasabadda. waxaa  lagu wadaa in ay  goordhow  dhacdo munaasabadaas. ...