Yaa ka mid ah xubnaha u sharaxan kursiga uu Jawaari baneeyey ?

by admin | Saturday, Apr 14, 2018 | 1043 views

Waxa magaalada Muqdisho ka bilowday ololaha lagu buuxinaayo Kursiga u iska casilay Ex Guddoomiyihii baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Kursiga uu baneeyay Jawaari ayaa waxaa u taagan Musharaxiin dhowr ah, oo iminkaba bilaabay dadaalkii ay uga qeybqaadan lahaayen liiska Musharaxiinta u taagan xilkaasi.
Musharaxiinta u taagan Kursiga ayaa waxaa ku jira kuwo xilal kala duwan kasoo qabtay dalka, shaqsiyaad ku cusub Siyaasada dalka oo iminkaba kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka.
Musharaxiinta oo tirro ahaa gaaraya ilaa 8 Musharax ayaa waxaa ugu cadcad Xildhibaan Cusmaan Libaax oo muddo badan kamid ahaa baarlamaanka, sidoo kalane xilal kala duwan horay uga soo qabtay Xukuumadihii hore.
Waxaa kamid ah Musharaxiinta loolanka ugu jira xilka Xildhibaan C/fataax Ibraahim Geesey oo ka mid ahaa Xildhibaanada garabka u ahaa Gudoomiyihii booska faarujiyay Jawaari.
Waxaa jira Xildhibaano kale oo dhowr ah kuwaa oo iyaguna raja ka qaba inay buuxiyaan booska uu baneeyay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaase jira warar sheegaya in Xildhibaanada qaar ay doonayaan inay soo saran magacooda, isla markaana galaan taariikhda.
Sidoo kale, Dowlada Somalia ayaa qudheeda wadata Musharaxiin dhowr ah oo ay dooneyso inay kala soo dhex baxdo Hal Guddoomiye oo lasiin doono mudnaanta.
Ma cadda cida ay dowladaha la dooneyso kursiga balse waxaa jira in ku dhawaad Afar Musharax ay soo taagi doonto, hase ahaatee qasdiga uu yahay Hal Musharax oo dhan waliba laga taageeri doono.

Like it? Share it!

Leave A Response