Mareykanka iyo xulafadiisa oo weeraray Suuriya

by admin | Saturday, Apr 14, 2018 | 1192 views

Qarax aad u weyn ayaa laga maqlay caasimadda Dimishiq ee dalka Suuriya Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Dalalka Mareykanka, Fransiiska iyo Britain ayaa duqeymo ay kaga jawaabayaan sunta la sheegay in dowladda Suuriya ay adeegsatay ka fuliyay gudaha wadanka Suuriya.

Raysal wasaaraha Britain, Theresa May oo iyaduna ka hadashay weerarka ayaa sheegtay in weerarada ay ka fuliyeen gudaha dalka Suuriya ay ahayeen kuwa qorsheysnaa oo loogu talo galay in aysan sii hurinin xiisadda gobolka, waxaana ay intaa ku dartay inay iska ilaaliyeen waxwalbo waxyeleyn kara dadka rayidka.

Sidoo kale weerarka waxaa ka hadlay madaxweynaha Fransiiska, Emmanuel Macron oo sheegay in weerarda ay ahaayeen kuwa looga hortagayo in dowladda madaxweyne Bashar Al-Asad aysan adeegsanin hubka kiimikada

Donald Trump Madaxweynaha Mareykanka, ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay weerarka ayaa sheegay in ay qaadeen howlgal ka dhan ah ciidamada Suuriya.

Trump waxaa kale oo uu eedeeyay dowladda Ruushka oo uu sheegay inay ku guuldareysatay inay ka soo baxdo ballankii ay qaaday sannadkii 2013-ka, kaasi oo ahaa inay burburiso hubka kiimikada ee Suuriya.

 

Like it? Share it!

Leave A Response