Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Wasiirka Amniga Soomaaliya maxamed Abuukar Islow Ducaale oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa Ciidamada Amaanka dalka ku amray in ay gacanta ku soo dhigaan kooxaha Dilalka qorsheysan ka geystaan magaalada Caasimada Muqdisho,isagoona sheegay inaan marnaba la aqbali Karin in dilal ay ka dhacaan Magaalada muqdisho. Sidoo kale Wasiir  islow ayaa waxa uu sheegay in ka hor sugida...

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un kula kulmi doona Singapore 12 bisha June,sida uu sheegay madaxwayne Trump. “Waxa aan labadeenaba isku dayi doonaa in uu noqdo kulan gaar ah oo jawi nabadeed u horseeda caalamka!” ayuu bartiisa Tweetar-ka ku soo qoray Mr Trump. Bishii March, Mr Trump ayaa caalamka ka yaabiyay ka dib...

Rag hubeysan oo ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa xalay weerar waxa ay ku qaadeen guriga mid ka mid ah Saraakiisha Hay’adda Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA oo ku yaalla degmada Wadajir. Sarkaalkan oo ka gaabsaday in magaciisa uu ka sheego warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in gurigiisa uu ka maqnaa markii uu weerarka dhacayay, bartilmaameedkana uu isaga...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay shir guddoomiyay kulan looga hadlayay ammaanka dalka iyo qorshaha xasilinta caasimadda Muqdisho. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle), Taliyeyaasha ciidanka xoogga, Nabad sugidda, Booliska iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan...

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay fiidkii bartamaha magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool loogu geystay xoghayihii xisbiga Kulmiye ee gobolkaasi, oo hada talada haya. Dabley ku hubeysan Bastoolado ayaa ka dambeysay dilka marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Barkhadle Cabdi, waxaana uu ahaa nin aad u firfircoon oo shaqadiisa ku ad adag. Dad goobjoogayaal...

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay Shir Gudoomiyay Kulan ku saabsan AMniga Caasimada oo ay ka qeybgaleen Golaha Amniga Qaranka. Kulanka oo ka dhacay Xarunta Dhexe ee Ciidanka Booliska, Waxaa Goob Joog ahaa; Wasiirka Amniga Somaliya, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyayaasha Ciidamada Booliska, Milatariga, Asluubta iyo Nabad Sugida, Kulanka ayaa...

Waxaan halkan Tacsi Tiiraanyo leh ugu direynaa dhamaan dhalinyarada Reer Tiyeeglow iyo Ceelgaras geerida naxdinta leh ee magalada muqdisho ka dhacdey oo dilka loogu geestey dhalinyarada Deeganka gobolka bakool degmada Tiyeeglow iyo Ceelgaras lagu laayey oo gacan ka xaqdran dishey inaa lilaah wa ina ileyhi Raajicuun Allow Janadii Fardowza ka waraabi AmiiAamiin Aamiin.   ...

Munaasibad lagu caleema saarayo guddoomiyaha cusub ee Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sh.C/Raxmaan ayaa lagu wadaa in ay ka dhacdo xarunta Villa Hargeysa oo ay ku shaqeeyaan Golaha shacabka. Mursal ayaa la doortay 30kii April,waxaana uu beddelay Maxamed Sh.Cismaan Jawaari kaas oo xilka horay ugu wareejiyay guddoomiyaha cusub. Guddoomiyaha cusub ayaa shir guddoomiyay...

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degaan dhaca duleedka degmada Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Duqeyn Diyaaradeed ayaa xalay saq dhexe waxa ay ka dhacday halkaasi, taasi oo ay fuliyeen Ciidamo cadaan iyo Soomaali isugu jira. Diyaaradaha ayaa kahor inta aysan Duqeynta fulin oo ay wadeen sahmin ayaa waxa ay arkeen dad Khudaarley ah oo meel fadhiyay, waxaana...

Ra’isalwasaarihii hore ee dalka Malaysia Mahatiir Maxamed ayaa sameeyay soo laabasho siyaasadeed kaddib markii uu 15 Sano ka maqnaa maamulka sare ee dowladda Malaysia. Waxaa uu hore 22 Sano u ahaa Ra’isalwasaaraha Malaysia intii u dhaxeysay 1981dii ilaa 2003dii,waxaana uu kaddib ka baxay xisbiga talada hayay isaga oo sameystay mid mucaarid ah oo ay ku jiraan hoggaamiyayaashii...