Cali Jeyte Cismaan oo ka horyimid in uu xilka ku wareejiyo Gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan

by admin | Sunday, Apr 15, 2018 | 945 views

Gudoomiyaha xilka laga qaaday Cali Jeyte Cismaan ayaa manta laga sugayay in uu xilka ku wareejiyo gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cabdullaahi Sufurow ayaa sharuudo adag ku xeray.

Xaflad aad loo agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Hiiraan,waxaana ka soo qeyb galay masuuliyiinta ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo Xildhibaanada Hirshabeelle, saraakisha AMISOM iyo kuwa xooga dalka Soomaaliya.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa dalbaday lacag la sheegay in ay gaareyso $250,000 oo Dollar oo kaash ah.

Xilwareejinta manta la filayay in ay ka dhacdo xarunta maamulka gobolka Hiiraan ayaa u baqatay lacagta uu dalbaday Gudoomiye Cali Jeyte Cismaan,Waxaana laga cabsi qabaa in arinkaan uu culees u keeno maamulka Hirshabeelle oo isbadal xoogan ka wada gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Waare ayaa ku sugan magaalada Beledweyne,waxaana uu ka wada isbadal xoogan xaga maamulka gobolka Hiiraan oo wayihii dabe uu ka jiray isjiidjid siyaasadeed.

Like it? Share it!

Leave A Response