Shil khasaare geystay oo saakay ka dhacay Muqdisho

by admin | Sunday, Apr 15, 2018 | 909 views

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya wadada Buundooyinka ee degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab ayaa waxa ay sheegayaan in saakay aroortii uu halkaasi ka dhacay shil gaari oo geystay khasaare dhaawac ah.

 

Shilkan ayaa ka dambeeyay kadib markii ay isku dhaceen gaari BL-ah oo ka yimid dhanka degmada Xamar Weyne iyo gaari iska roge ah oo ka yimid dhinac Suuqa Beerta, waxayna labadoodaba ku socdeen xawaare sare, maadaama wadada uusan mashquul badan ka jirin xilligaasi.

Waxaa shilkan ku dhaawacantay ilaa Afar qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen Darawaladii labada gaadiid kala kaxeynayay, mana jirin dhimasho, waxaana dadkii dhaawacmay loo qaaday Isbitaalada Muqdisho.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Isbitaalada agaalada Muqdisho ee ku aadan dhaawacyada shilkan ka dhashay ayaa waxa ay sheegayaan in ay aad u daran tahay xaalada Darawalkii kaxeynayay gariga BL-ka ah.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu shilka ka dhacay ayaa waxa ay muujinayeen burbur xoogan oo soo gaaray gaariga BL-ka ah, kaasi oo guud ahaanba ka burburay qeybtiisa hore.

Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka ayaa shilka kadib goobta waxay in mudo ah xayireen isu socodka gaadiidka, iyaga oo halkaasi ka qaaday gaadiidka isku dhacay, waxaana markii dambe dib loo furay wadada.

Like it? Share it!

Leave A Response