Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Sheikh C/qaadir ayaa ku dhawaaqay wixii maanta ka dambeeya aanay Wasaaraddu wax lacag ah ka qaadi doonin Shahaadada Ardayda Dugsiga sare. “Maadaama Imtixaanka iyo Shahaadada ay yihiin howl ay qabaneyso Wasaaradda Waxbarashada laga bilaabo maanta aanay Wasaaradda Waxbarashadu wax kharash ah ka qaadeynin Shahaadada...

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal ee dowlad Goboleedka Puntland Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ka qeyb galay Burburinta 624 Dhalo Khamri ah iyo Gubida Xashiish aad u farabadan. Ciidamada Booliska degmadda Burtinle ee Gobolka Nugaal ayaa howlal ay sameeyeen gacanta ku dhigay Mandooriye iskugu jira Khamri iyo Xashiish Gaarigii lagu waday iyo dadkii watay. Khamrigan...

Maamulka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa amarro la xiriira dhanka amniga waxa uu kusoo rogay Shacabka kunool degmadaas, xilli degaano kamid ah maamulka Koonfur Galbeed ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab. Guddoomiyaha degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose Dr, liiban Abuukar Cusmaan ayaa sheegay in marnaba maamulku aqbali doonin...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah ku gaaray Magaalada Addis Abba ee Caasimadda waddanka Itoobiya, waxaana soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Madaxweynaha ayaa Madaxda dalka Itoobiya la yeelan doona wadahadallo ku saleysan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka...

Xafiiska Ergayga Gaarka ee Dib u soo celinta Muhaajiriinta iyo Carruurta ee Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta dalka dib ugusoo celiyey 9 dhallinyaro Soomaaliyeed oo Liibiya ku xayirnaa sannado badan, oo Magafe ka soo baxsaday, ka dibna yimid Safaaradda Soomaaliya ee Tripoli si ay dalkooda dib ugu soo laabtaan iyagoo la soo xariirey Xafiiska Ergayga Gaarka ah. Waxaa Garoonka...

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan ayaa kulan kula qaatay Degmada Buulo-burde ee Gobalka Hiiraan qaar kamida Odoyaasha dhaqanka ee Degmada Buuluburde Asigoo kala hadlay doorka Odayaasha ay kaga Jiraan Halganka dib u xorenynta Gobalka Hiiraan loona baahan yahay sidii loo xoojin lahaa. Gudoomiye Cali Jeeyte Cismaan ayaa Odoyaasha dhaqanka ku bogaadiyey kuna...

Ciidamo katirsan kuwa daraawiishta dowlad Goboleedka Galmudug, isla markaana gadoodsan ayaa waxaa ay la wareegeen Kastamka Canshuuraha magaalada Gaalkacyo qeybta Galmudug, halkaas oo Gaadiidka lacag looga qadi jiray. Ciidamadan oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadooda kala duwan ayaa waxaa ay sheegeen inay cabasho ka yihiin xaquuq kaga maqan Maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa Manta Xerada Afisiyooni ee Magaalada muqdisho ka furay shir looga hadlayo sidii looga jawaabi lahaa abaaraha daran ee xilligaan ka jira dalka Soomaaliya. Shirka ayaa waxaa ka qeyb alay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb, James Swan iyo dhammaan dalalka deeq-bixiyaasha ee fadhigoodu yahay Xerada Xalane,...

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ee xoreynta Koonfur Galbeed oo iskaashanaya ayaa Maanta degaano katirsan gobolka Baay ka bilaabay howlgallo ka dhan ah ururka Al Shabaab, iyaga oo degaano dhowr ah la wareegay. Ciidamada ayaa waxaa ay howlgallada kula wareegeen degaannada kala ah Saydheelow, Buula jadiid, Mataani, uusli iyo Busley oo dhamaantooda ka tirsan Gobolka...

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka ay howlgalladii ugu dambeeyay ku dileen 30 ka tirsan Ururka Al-Shabaab, isla markaana laga xoreeyey ku dhowaad 15 deegaan. Hawlgallo saf ballaaran ah oo lagu ciribtirayay Al-Shabaab ayaa ciidamada xoogga oo garabsanaya xaq dirirka shacabka ee ka kacdoomay falalka...