Gudoomiyaha gobolka hiiraan oo odoyaasha dhaqanka kal hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

by admin | Tuesday, Sep 27, 2022 | 297 views

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan ayaa kulan kula qaatay Degmada Buulo-burde ee Gobalka Hiiraan qaar kamida Odoyaasha dhaqanka ee Degmada Buuluburde Asigoo kala hadlay doorka Odayaasha ay kaga Jiraan Halganka dib u xorenynta Gobalka Hiiraan loona baahan yahay sidii loo xoojin lahaa.

Gudoomiye Cali Jeeyte Cismaan ayaa Odoyaasha dhaqanka ku bogaadiyey kuna Dhiirigeliyey doorka ay ka qaadan karaan ladagaalanka Al-shabaab iyo sidii shacabka ay xoojisan lahaayen Nabad-galyadooda bulsho iyo Dowladnimadooda.

Odoyaasha dhaqanka Degmada Buulo-burde ee Gobalka Hiiraan ayaa Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan ku amaanay doorkiisa wanaagsan ee u ka qaata Dib u xoreynta Deeganada Gobalka Hiiraan taas oo udub dhaxaad u ahaa, ayaga oo ku bigaadiyey Dhankiisa shaqada uu qabtay una balan qaaday inay ka soo dhalaali doonaan Dhankooda wajibaadka dhaqan ee saaran.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa u mahad-celiyey odayaasha Dhaqanka doorkooda wanaagsan asigoo kula Dardaarmay in aan loo kala harin xaqiijinta Himilada iyo nabad galyada guud ee Gobalka Hiiraan midaas oo la xaqiijiyey bilaawgeeda.

Like it? Share it!

Leave A Response