Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Qarax ka dhacay afaafka hore ee safaaradda dalka Ruushku ku leeyahay caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul, ayay ku dhinteen ugu yaraan lix qof oo ay ku jiraan laba qof oo ka mida shaqaalaha safaaradda. Warbaahinta dalka Ruushka oo soo xiganaysa wasaaradda arrimaha debedda ee Ruushka iyo goobjoogayaal kala duwan ayaa sheegtay in “qof ismiidaamiyey oo aan weli la aqoonsani...

Saddex Carruur ah oo kasoo baxay dugsi Qur’aan ayaa miino dhulka lagu Aasay kula qaraxday deegaanka Miir-caddo oo qiyaastii 45 Km dhanka Koofur bari ka jira magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Mid ka mid ah Carruurta ayaa geeriyooday halka laba kale na dhaawacooda la keenay Isbitaalka magaalada Baledweyne si loogu daaweeyo. Mas’uuliyiin katirsan Maamulka...

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in rag katirsan Ururka Al-Shabaab ay xalay weerareen tuulooyin hoostaga degmada Baxdo, Isla markaana ay gubeen Guryo ay daganayeen dad Shacab ah. Maamulka degmada Baxdo ayaa xaqiijiyay Gubitaanka, waxaana Guryaha la gubay ay kuyaallaan Tuulooyinka kala ah, Biyo Days oo 15Km u jirta Dagmo Baxdo iyo Tuulada...

Dagaalka ayaa waxaa uu xalay ka dhacay degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir gaar ahaan  halka lagu magacaabo Cali agoon oo fariisin u ah Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya kadib markii la weeraray. Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerareen fariisiinka ay Ciidanka dowladda ku leeyihiin halka loo yaqaano Cali Agoon ee degmada Hiliwaa, waxaana...

Shirkaan oo a soo qaban qaabisa Wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dambeeyay kadib markii todobaadkii hore Wasaaradaha Maaliyadda dowlad Goboleedada a ku dhawaaqeen ina xiriirka u jareen la Shaqeynta Wasaaradda Maaliyadda dowladda Soomaaliya. Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa wadashaqaynta labada dhinac iyo qaybsiga 100m oo ka timid Baanka...

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka & Al-Shabaab ayaa ka socda Deegaanka Basra oo u dhaxeeya Degmooyinka Afgooye oo Gobolka Shabeelaha Hoose ah & Balcad oo Shabeelaha Dhexe ah. Saraakiil katirsan Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa sheegay in howlgalkaan ay fuliyeen ciidamo katirsan DFS oo tagay goobo ay Al-Shabaab dad ku xireen kuna guuleysteen in ay...

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa  wacad ku maray in ay la shaqeyn doonaan ciidamada ammaanka ee dalka ee wada howlgallada nabadda lagu raadinayo, inkastoo ay kordheen weerarada ay Al-Shabaab ka geysanayaan dalka. ATMIS ayaa sidoo kale cambaareysay weerarkii habeenkii jimcaha ay kooxdu ku qaaday kolonyo Gaadiid ah, kaasi oo sababay dhimashada 20 qof...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay guddi iskugu jira ganacsatada iyo Gudoonka Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika. Guddoomiyaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed iyo Jaaliyadda ku nool dalka Koonfur Afrika uga mahadceliyey kulankaan islamarkaana kula dardaarmay in isku xirnaan...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa sheegay in uu murugada la qqeybsano ehelada dadkii ay jeclaayeen ku waayay musiibada ka dhacday Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle halkaas oo Al-Shabaab ay ku xasuuqeen dad shacab ah oo ay ku jiraan carruur aan waxba galabsan. ” Al-Shabaab waxaa ka go’an inay dilaan qof walba oo inaga Mid ah...