Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Dowladda Shiinaha ayaa uga mahad celisay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya taageerada iyo garab istaaga ay u muujisay taas oo ku aadan in Soomaaliya ay Taiwan u aqoonsatay qeyb kamid ah dhulweynaha Shiinaha. Qoraal kooban oo kasoo baxay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in Shiinaha iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir saaxiibtinimo soo jireen ah...

Xoogagga Falastiiniyiinta ee ka tirsan garabka Islamic Jihad ayaa tobonnaan gantaal ku tuuray Israa’iil taasi oo jawaab u ahayd duqeymaha Israa’iil ee marinka Qaza ee lagu dilay taliye ka tirsan kooxdaasi , iyo sidoo kale 9 qof oo kale oo rayid ah. Saraakiisha ururka Falastiiniyiinta ee Islaamig Jihaad ayaa sheegay in ilaa 100 gantaal ay ku rideen gudaha Israa’iil. Waxaa...

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ka qeyb galay shirwayne diiradda lagu saarayay xaaladihii u danbeeyay ee abaaraha iyo saameynta bini’aadanimo ee ka dhalatay oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Galmudug. Shirka ayaa waxaa marti ku ahaa Ergeyga Gaarka ah ee DFS u qaabilsan arrimaha Bini’aadanimadaXildhibaan Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame, oo...

Sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa sheegay in sare u kaca ku yimi cuntada adduunku, inuu si aad u daran u saameeyey dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeya, iyada oo sare u kaca qiimaha cuntada uu sababay duullaankii uu dalka Ruushku ku qaaday dalka Ukraine. “Qiimaha cunnada ee dunidu wuxuu 23% ka sarreeyaa qiimihii uu joogay sannad ka hor, laakiin sare...

Dowladda Itoobiya ayaa si xooggan u cambaareysay wakiilada Midowga Yurub iyo Mareykanka oo toddobaadkan booqday gobolka dagaallada ay la degeen ee Tigray, waxayna ku eedeysay inay la safteen mowqifka mucaaradka ee ku aadan wadahadallada nabadda iyo gargaarka. Wadaxaajoodyada dowladda ra’iisul wasaare Abiy Ahmed iyo kooxda TPLF ayaa la filayaa inay billowdaan, hase yeeshee...

Saddex Carruur oo walaalo ah ayaa miino kula qaraxday meel u dhaxaysa deegaanada Habuura iyo Sibidhley ee Xuduudka Togdheer. Sidoo kale  6 ruux oo kale ayaa dhaawacmay ka dib markii shil labaad ah uuna sababay Gaadhigii Gurmadka degdeg ahaa oo ay isku dhaceen Xaajiyad Rakaab ah oo kale Deegaanka Balli Hiile. 3 Carruurta walaala ah oo xoolo jir ahaa ahaa ayaa mid ka mid...

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay ugu deeqday hawlgalka nabad ilaalinta Midawga Afrika ee Soomaaliya ee loosoo gaabiyo ATMIS illaa 24 gaari oo ah kuwa gaashaaman. Waxaana deeqdan gaadiidka ahi ay ku soo beegmaysaa, saddex bilood uun ka dib, weerarkii ugu dhimashada badnaa ee muddo sannado ah lagu qaado hawlgalka ATMIS ee taageerada ka hela Maraykanka. Wareejintan...

Jaylaani Xuseen, oo ah agaasimaha fulinta ee Golaha Xiriirka Maraykanka iyo Islaamka-Minnesota (CAIR-MN), oo dhawaan booqasho ku tagay Soomaaliya, ayaa soo soo saaray warbixintii ugu weyneyd ee u kaga ka waramayo faragelinta Mareykanka ee Soomaaliya iyo xasillooni darrada siyaasadeed ee ka dhalatay. Sida laga soo xigtay hay’adda New America ee cilmi-nafsiga ah, Maraykanku...

Hay’adda Save The Childreen ayaa ka digtay koror ku imaan Dadka Abaartu ku saameysay Soomaaliya, Itoobiya & Kenya oo tiro ahaan gaaraya 18.6 Milyan oo ruux balse haddii aanay roob da’in September tiradu gaari karto 20 Milyan oo ruux. Warbixin ay soosaartay Hay’addu oo ay la socdaan sawirro ay kasoo qaaday meelaha ay saameynta taban ku reebtay Abaarta & Wareysi...

Kooxo bistoolado ku hubeysan ayaa maqribnimadii xalay degmada Deyniile ku dishay wiil dhakinyara ah, kaasoo Darawal ka ahaa mid kamida gawaarida gurmadka deg dega ee Ambalaasta. Dilka waxa uu si gaar ah uga dhacay xaafada Siisii, iyadoo marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Dalmar Xuseen Gacal uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas looga dhuftay qeybaha...