Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Roobab dabaylo wata oo ka da’ay Koonfurta Galbeed ee dalka Yemen iyo caasimadda Sanca ayaa keenay inay ka dhashaan daadad xooggan oo samabay inay guryo kala duwani dumaan. Wararka la helayo ayaa sheegaya in khasaaraha dhimashada ee ay sababeen roobabkaasi inay haatan marayso illaa 38 qof. Saraakiisha dalka Yemen ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in guryo aad u...

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa aqalka Madaxtooyada kulan kula qaatay qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Puntland, Bulshada rayidka ah, Guddiga Doorashooyinka Puntland, Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Tamarta, Macdanta iyo Biyaha. Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Puntland, gaar ahaan dardargelinta hannaanka Doorashooyinka Puntland ee hal qof iyo...

Waaxda cadaaladda ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in Sarkaal u dhashay dalka Iraan in lagu soo oogay dacwad la xiriirta inuu doonayey inuu dilo ama khaarajiyo John Bolton oo ahaa la taliyihii hore ee amniga qaranka ee xilligii madaxweyne Trump, taas oo loo malaynayo inuu doonayey inuu dilkaas u fuliyo, si uu ugu aargudo weerarkii dhinaca cirka ahaa ee Maraykanku ay ku...

Warbixin soo baxday ayaa sheegeysa, in tirada dadka ku barakacay abaaraha daran ee ka jira Soomaaliya inay haatan kor u dhaafeen illaa hal milyan oo qof. Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in abaaraha ka jira Soomaaliya inay haatan isu bedeli doonaan macaluul baahsan haddii aan si degdeg ah wax looga qaban. Xafiiska isku-xirka gargaarka bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay...

Waxaa Maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in meelo kamid ah degaannada & degmooyinla Somaliland ay ka dhacaan dibadbaxyo ay dhigayaan Xisbiyada mucaaradka ee UCID & WADANI, kuwaas oo looga soo horjeedo Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi. Xisbiyada mucaaradka ayaa maalmihii la soo dhaafay waday qaban qaabada banaanbaxa, iyga oo ku eedeeynayay Madaxweyne...

Waxaa weli socota tirinta codadka doorashadii madaxweyne ee Talaadadii ka dhacday dalka Kenya, ayada oo weli uusan jirin musharax si la taaban karo ugu hormaray natiijada. Ayada oo qiyaastii 16 milyan oo Kenyan ah ay codeeyeen, ayaa waxaa hadda la tiriyey codadka in ka badan 10 milyan, oo macnaheedu yahay in ku dhowaad laba meelood saddex meel ay soo baxday natiijada. Madaxweyne...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa faray Xubnaha Wasiirada Cusub in aanay sameyn karin magacaabis iyo is bedel Mas’uuliyiinta hey’addaha ay madaxda ka yihiin, ayna waafajiyaan sharciga, isla markaana la tashi kala yeeshaan Ra’iisul Wasaaraha. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa la faray dhammaan Golaha...

Gen. Michael E. Langley ayaa la wareegay xilka taliyaha taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM, xaflad ka dhacday magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka. “Sharaf ayey dhab ahaantii ii tahay inaan hortiina istaago anniga oo ah taliyaha cusub ee AFRICOM,” ayuu Langley ka yiri xafladdii xil wareejinta. “Waxaan rajeynayaa in aan qaato...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madobe ayaa hoygiisa Kulan kula qaatay Guddiga KMG ah ee Ka tala bixinta dhacdadii 07/08/2022 Ka dhacday xarunta Golaha Shacabka. Guddoomiyaha ayaa Guddiga Kula dardaarmay in ay kasoo tala bixiyaan fowdadii Golaha Ka dhacday kulankii 14aad ee Kalfadhiga 1aad ee Golaha Shacabka BJFS isagoo usheegay in ay warbixin dhameeystiran...

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa geeriyooday 5 qof oo kalena xaaladooda caafimaad ayaa laga deeyrinayaa kadib dadkaas oo ku nool dowlad degaanka Soomaalida ay cuneen Hilib Geel la sumeeyay. Dhacdadaan ayaa ka dhacday Santarka Qabri-hanteen oo dhinaca waqooyi 6km ka xigta magaallada Harta-sheekha ee dhulka dowlad degaanka Soomaalida oo ay maamusho Itoobiya. Maamulka Santarka...