Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay mooshin ka dhan ah kufsigii iyo dilkii Muqdisho loogu geystay Xamdi Maxamed Faarax oo aheyd Gabar 19 jir ah waxaa ay u gudbiyeen Guddoonka Golaha Shacabka. Xildhibaannada ayaa dalbaday in Ajandaha kulankii Maanta lagu daro, hayeeshee Guddoonka Golaha Shacabka uu dib u dhigay,si guddi loogu saaro...

Dowladda mucaaradka ah ee bariga Libya ayaa soo gudbisay is casilaaddeeda kaddib markii bannaanbaxyo badan ay ka dhaceen kuwaasoo looga soo horjeedo xaaladaha nololeed ee ka sii daraya iyo musuqmaasuqa. Dadka diibadbaxyada ka dhigay toddobaadkii hore dhammaadkiisa magaalada Benghazi ayaa dab qabadsiiyay xarunta Janaraal Khalifa Xaftar. Libya waxaa ragaadiyay colaado tan...

Warar hoose oo soobaxaya ayaa sheegaya in Ciidanka Booliska Soomaaliya ay hayaan mid ka mid ah rag kufsi iyo dil ugu  geysatay Magaalada muqdisho Gabar Ardayad ahayd oo Qiraal ah. Waxaa la sheegay in falkaas dilka iyo kufsiga ah loo soo qabtay tiro dhallinyaro ah, balse waxaa wararku sheegayaan in ay Boolisku hayaan Mid ka mid ah raggii lagu soo eedeyay kufsiga iyo dilka...

Wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan ayaa si adag u cambaareysay xiriirka Baxrayn ay la lyeelaneeyso Israa’iil, taasi oo lagu sheegay in ay noqoneeyso sharaf dhac diiwaanka uga li doonta taliska Bahrain, Iiraana waxay si cadd usheegtay in wadamadda Baxreyn iyo Imiraadka ay masuul ka noqon doonaan tallaabo kasta oo Israa’iil ay isku daydo in ay wax ugu dhinto amniga Khaliijka. Madaxweynaha...

Waxaa Maalintii labaad ka socda Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya Shirka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo Maanta ka duwan sidii shalay. Kulanka Maanta ayaa waxaa Madaxda shireysa dhex-maraya doodo xasaasi ah, iyada oo aad loo falan qeeynaayo qodobadii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb 3 oo Madaxweynayaasha...

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay Howlgal Qorsheysan ka fuliyay degaano duleedka ka xoga degaanka Bariire oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose. Sarakiil ka tirsan Ururka 143 oo howlgalka hoggaaminayay ayaa waxaa ay sheegeen inay ka war heleen in Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay lacago ka qaadayeen dadka ku nool tuulooyinka ku dhow Bariire,isla...

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa laga yaabaa inuu cafis u fidiyo sarkaal baxsad ah oo sabab u noqday in xabsi la dhigo afar qofood oo kasoo jeeda Soomaaliya. Warbaahinta maxaliga ah ee Mareykanka ayaa warisay iney suuragal tahay cafis loo fidiyo Edward Snowden oo dhexda kaga jiray kiis qabsaday hadal heynta waddanka mareyknaka sanadkii 2013. Donald Trump...

Maamulka Gobolka Banaadir qeybtiisa Canshuuraha ayaa ka shiray dar-dar galinta qaadista lacagaha laga qaado guryaha dadka rayidka ee ku yaalla magaalada Muqdisho. Maamulka kulanka yeeshay waxey sheegeen in saddex arrimood lagu xalin doono canshuurtaan taasoo ay ka mid yahiin: Waxbarashada Ardayda, Caafimaadka iyo Dhismaha waddooyinka Magaalada Muqdisho. Gudoomiye ku xigeenka...

Beeraleyda qaadka ee dalkan Kenya ayaa sheegay in khasaare lixaad leh uu ka soo gaaray xayiraadda la saaray qaadkii ay u dhoofin jireen waddanka Soomaaliya. Qaadka la geeyo Soomaaliya ayay sheegeen in fursad shaqo ay u aheyd dad badan, kuwaas oo ay sheegeen in haatan ay shaqo la’aan noqdeen. Kimathi Munjuri oo ah guddoomiyaha urur ay ku midaysan yihiin beeraleyda jaadka...

Itoobiya ayaa soo saareysa lacag cusub, tan oo Ra`iisul Wasaare Abiy Ahmed uu ku sheegay in wax looga qabanayo howlaha sharci darrada ah iyo musuqmaasuqa. Naqshadda cusub ee lacagaha 10, 50 iyo 100 Birr ayaa la sameeyay waxaana sidoo kale la soos aari doonaa baalweynta 200 oo cusub. Mr Abiy ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo wadaagay lacagaha cusub. Wuxuu sheegay in la adkeeyay...