Dowladda mucaaradka ah ee Libya oo ku dhawaaqday is casilaad.

by admin | Monday, Sep 14, 2020 | 347 views

Dowladda mucaaradka ah ee bariga Libya ayaa soo gudbisay is casilaaddeeda kaddib markii bannaanbaxyo badan ay ka dhaceen kuwaasoo looga soo horjeedo xaaladaha nololeed ee ka sii daraya iyo musuqmaasuqa.

Dadka diibadbaxyada ka dhigay toddobaadkii hore dhammaadkiisa magaalada Benghazi ayaa dab qabadsiiyay xarunta Janaraal Khalifa Xaftar.

Libya waxaa ragaadiyay colaado tan iyo intii hoggaamiyihii muddada dheer xukumayay dalkaasi korneel Mucammar Gaddafi ay xilka ka tuureen isla markaana dileen xoogagga ay Nato taageerto sanadkii 2011.

Afhayeen u hadlay janaraal Xaftar ayaa sheegay in maamulkaasi uu taageersan yahay dibad baxyada nabadeed balse aysan oggolaan doonin “Argagixisada iyo ururka Ikhwaanul Muslimiin “.

Ilaa iyo haatan, dibadbaxyada ka dhanka ah xaaladaha ka taagan Libya waxay intooda badan ka qabsoomeen magaalada caasimadda ah ee, Tripoli, oo hoy u ah dowladda ay Qaramada Midoobay taageerto ee ee Libya.

Ciidamada janaraal Xaftar ayaa qaaday dagaal ay ku qabsanayaan Tripoli bishii April ee sanadkii hore, balse taageero milatari oo ay ka heleen Turkiga ayaa ka caawiyay ciidamada dowladda inay dib u riixaan xoogagga uu Ruushku taageerayo ee janaraalka.

Like it? Share it!

Leave A Response