Mooshin loo gudbiyay Guddoonka Golaha Shacabka

by admin | Monday, Sep 14, 2020 | 375 views

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay mooshin ka dhan ah kufsigii iyo dilkii Muqdisho loogu geystay Xamdi Maxamed Faarax oo aheyd Gabar 19 jir ah waxaa ay u gudbiyeen Guddoonka Golaha Shacabka.

Xildhibaannada ayaa dalbaday in Ajandaha kulankii Maanta lagu daro, hayeeshee Guddoonka Golaha Shacabka uu dib u dhigay,si guddi loogu saaro kiiskaas.

Xildhibaan Cabdi Shire oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in dhamaan Xildhibaannada Golaha Shacabka ay saxiixeen mooshinkaas, hayeeshee ay tixgeliyeen codsiga Guddoonka Golaha oo dalbaday in Guddi loo saaray, si xildhibaannada ay qaraar uga soo saaraan.

Waxaa uu sheegay in Xildhibaannada Golaha Shacabka ay aad uga xun yihiin, isaga oo sheegay in laamaha Ammaanka Soomaaliya ay ka sugayaan in cadaaladda horkeenaan dadkii ka dambeeyay falkaasi.

Jimcihii la soo dhaafay ayaa Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax waxaa kufsi & dil loogu geystay Guri dabaq ah oo ku yaalla Xaafada Maajo ee degmada Waaberi, iyada oo dabaqa laga soo tuuray.

Like it? Share it!

Leave A Response