Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la sheegay inay shuruud ku xirtay in dib loo bilaabo jaadka (qaadka) Soomaaliya looga keni jiray Kenya,kaas oo loo joojiyay sababo la xiriira COVID-19, iyada oo shuruudahaas u gudbisay dowladda Kenya. Sida uu daabacay Wargeysa ka hadla arrimaha Ganacsiga ee Busniss Daily iskaashada qaadka ee degaanka Nyabene Xubno ka socday ayaa...

Warbixin ka soo baxday xafiiska isu dawidda arrimaha bani’aadanimada Qaramada Midoobay ee loo yaqaano (OCHA) ayaa waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan saameynta uu ku yeeshay cudurka faafa ee Coronavirus. OCHA ayaa wal-wal hor leh ka muujisay xaaladihii ugu dambeeyey ee Covid-19, kuwaas oo shalay laga diiwaan-geliyey gudaha dalka. Warbixinta ka soo baxday...

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiysay duqeyn diyaaradeed oo saacadaha lasoo dhaafay Ciidanka DANAB iyo kuwa Mareykanka ay ka fuliyeen deegaan ka tirsan Gobolka Baay. Qoraal lagu daabacay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka duqeynta laga fuliyay tuulada Cadaad Gari ee deegaanka Xabiibiyaal oo ah inta u dhaxeyso...

owlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa shaacisay inay uu socdo qorshe loogu diyaar garoobayo Arrimaha doorashada Maamulkaas, xili muddo xileedka Hay’addaha Hirshabeelle uu ka harsan yahay muddo kooban. Afhayeenka Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Cirro oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in wadaan diyaar garoowgii ugu dambeeyay ay ku dhici laheyd Doorasho xalaal ah,...

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda abaabulka kulan ay garwadeyn ka tahay Beesha Caalamka oo ay is hor fadhiisanayaan Madaxda DFS, Dowlad Goboleedyada, Xisbiyada Mucaaradka iyo siyaasiyiin kale. Ujeedka kulankaan ayaa ah in qorshe mideysan lagu wajaho marxaladda kala guurka (Geedi socodka), wada shaqeynta iyo fududeynta habka looga gudbi karo caqabadaha siyaasadeed. Mas’uuliyiinta...

Arrimaha doorashooyinka  waxaa heshiis siyaasadeed ka gaaray madaxda saddex Maamul Goboleed, ee kala ah Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Sidoo kale, waxaa heshiiska qayb ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaase shirka ka baaqday madaxda Maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland. Waxay dhinacyadan ku heshiiyeen...

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman ayaa baajiyey safar la qorsheeyey inuu toddobaadka soo socdo ku tago magaalada Washington, si uu ula kulmo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, kadib markii uu ka cabsaday in warkaas la dusiyey, islamarkaana tegitaankiisa Washington uu noqon lahaa “qarow”, waxaa sidaas weriyey Middle East Eye. Go’aan lagama...

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ku eedeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu jebiyay qodob soo jireen dastuuri ah. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa waxaa uu ku sheegay in 30-kii Maalmood ee Madaxweyne Farmaajo uu u heystay soo magacaabista Ra’iisul...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo xalay ku hoyday degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa halkaasi ka bilaabay kulamo xal loogu raadinayo dagaal beeleedyada kusoo laab laabtay tuulooyinka hostaga degmadaas. Madaxweyne Waare ayaa sheegay in ay nasiibdarro tahay in xilligaan lagu dul dagaalamo dadka Shacabka ah,isla markaana...

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Arbaco ah lagu soo bandhigo Xeerka Saxaafadda Soomaaliya, iyada oo Urrurada Saxaafadda Soomaaliya ay walwal ka muujinayaan qodobada qaar ee ku jira xeerkaas. Muddo ku dhaw 8 Bilood ayuu xeerka agyaalaa Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana qodobada kujira xeerka uu yahay mid qatar ku ah Warbaahinta & Wariyeyaasha...