Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei ayaa sheegay in Yurub ay ku guul darreysatay inay badbaadiso heshiiska caalamiga ah ee nukliyeerka ka dib markii Washington ay ka baxday. Wuxuu ku eedeeyay Yurub inay sameynayaan “balanqaadyo qarsoon” oo wax yeeleeya dhaqaalaha Iran. Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa doonayey inay sii wadaan heshiiska...

Kooxda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqday Mareykanka inuu magdhow siiyo dhibanayaasha rayidka ah iyo qoysaska ay saameeyeen duqeymaha cirka ee Soomaaliya. Amnesty ayaa baaqaan siidaysay kadib markii Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) uu qirtay in hal qof rayid ah lagu dilay halka saddex kalena lagu dhaawacay duqeyn cirka ah horaantii...

Qarnigii 19-aad, Masiixiyiinta ayaa aad ugu badnaa dunida. 1950-kii iyo dagaalkii qaboobaa waxay dadweynihii masiixigu gaareen 960 million , halka dadweynaha Muslimiintuna ay gaareen 408 million. Dhamaadka dagaalkii qaboobaa sanadkii 1990-kii, Dadweynaha Masiixiga ah waxay gaareen 1.748 billion, halka Muslimiintuna ay kor u dhaafeen 1billion. Hadda, inkastoo tirada...

Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay Korneyl Mukhtaar Ibraahim Axmed ayaa sheegay in dadka ku dhaqan magaalada iyo nawaaxigeedaba looga baahan yahay inay qayb ka noqdaan xaqiijinta amniga Magaalada iyo degaannada hoostaga. Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Baydhabo waxaa uu sheegay in Bulshada ay waajib ku tahay ka qeyb qaadasha...

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay dhawaan dib u fureyso duulimaadyada Caalamiga ah oo markii hore loo joojiyay sababo la xiriira Cudurka Coronavirus oo kiisas kamid ah laga helay dalkaas. Wasiirka Gaadiidka dalka Maxamed Cabdullaahi Salaad  ayaa sheegay in Saddexda bisha soo socoto dib loo furi doono duulimaadyadda Caalamiga ah. Wasiirka waxaa uu hadalkiisa...

Dad gaaraya toban kun oo Xujey muslimiin ah ayaa maanta gudanaya mid Kamid ah rugniyada ugu muhiimsan acmaasha Xajga oo ah istaagga Buurta Carafo, Xujeyda sanadkaan ayaa ah kuwo aad u yar,iyada oo la xakameynayo Faa-fida Cudurka Covid19 oo saameyn xoogan ku yeesha guud ahan Caalamaka. Xujeyda ayaa lagu wadaa in marka ay dhacdo qoraxda ay u dhaqaaqaan dhanka Musdalifa,...

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday Wariye Cabdi Casiis Axmed Gurbiye oo ah Tifaftiraha Warbaahinta Goobjoog ee Magaalada muqdisho, kaas oo Maanta markii Afaraad la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir. Maxkamadda ayaa Wariyaha waxaa ay ku riday Xukun lix bilood oo xariga ah, iyada oo sheegtay in lagu helay qodobka 368 ee xeerka ciqaabta, oo...

Taliska Ciidamada Booliska qeybta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay Maanta Xabsiga dhigeen laba Askari oo loo heysto inay rasaaseeyeen haween u badan Ganacsato oo banaanbax ka dhigayay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal. Askartaan ayaa waxaa la sheegay in xilli shalay Ganacsatada yar yar xilli ay banaanbax ka dhigayeen Barxada Magaalada Garoowe ay rasaaseeyeen,waxaana...

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta oo Khamiis ah waxaa la filaya inay go’aankii ugu dambeeyay kasoo saarto Kiiska Wariye Cabdi Casiir Axmed Gurbiyo oo ah Tifaftiraha Warbaahinta Goobjoog ee Magaalada Muqdisho. 23-kii Bishaan ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir ay soo geba-gabeysay dhageysiga dacwadda Wariye Gurbiyo,waxaana Daahir Carab oo kamid ah qareenada u doodayay...

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo ka hadlayey xaaladda Puntland ayaa si adag uga hadlay arrimaha ammaanka ee deegaanada maamulkaasi. Siciid ayaa amray ciidamada ammaanka inay toogtaan cidkasta oo hubeysan oo qatar ku ah ammaanka guud ee Puntland, iyada oo aan la horgeyn wax maxkamad ah. “Waxa aan ballanqaadeynaa ciddii...