Maxkamadda G/Banaadir oo xukun ku riday Wariye Gurbiye

by admin | Wednesday, Jul 29, 2020 | 382 views

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday Wariye Cabdi Casiis Axmed Gurbiye oo ah Tifaftiraha Warbaahinta Goobjoog ee Magaalada muqdisho, kaas oo Maanta markii Afaraad la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Maxkamadda ayaa Wariyaha waxaa ay ku riday Xukun lix bilood oo xariga ah, iyada oo sheegtay in lagu helay qodobka 368 ee xeerka ciqaabta, oo ku saabsan Wararka been abuurka ah.

Horay Urrurada u dooda Wariyeyaasha ee ka jira Soomaaliya ayaa waxaa ay dhowr jeer sheegeen in la bedbedalay eedeynta Wariyaha,isla markaana dad aan loogu talo galay baarista ay ka qeyb qaadanayaan maxkamadeynta Wariyaha.

Wariye Cabdi Casiis Axmed Gurbiye ayaa 14-kii Bishii April ee sanadkaan 2020 waxaa loogu yeeray saldhigga degmada Hodan waana la xiray afar maalmood ka dib markii uu dhaleeceyay dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxtooyadda,waxaana muddo ku dhow Afar Bilood uu banaanka ku joogay damiin,waxaana loo diiday in uu wax qoraal ah sameeyo.

Like it? Share it!

Leave A Response