Urrurada Saxaafadda oo walaac ka muujiyay Xeer Madaxtooyada lagu soo bandhigayo

by admin | Wednesday, Aug 26, 2020 | 366 views

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Arbaco ah lagu soo bandhigo Xeerka Saxaafadda Soomaaliya, iyada oo Urrurada Saxaafadda Soomaaliya ay walwal ka muujinayaan qodobada qaar ee ku jira xeerkaas.

Muddo ku dhaw 8 Bilood ayuu xeerka agyaalaa Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana qodobada kujira xeerka uu yahay mid qatar ku ah Warbaahinta & Wariyeyaasha Soomaaliyeed, iyad aoo munaasadda lagus oo bandhigayo looga yeeray qaar kamid ah Wariyeyaasha.

Xoghayaha Ururka SJS Cabdalla Axmed Muumin ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka dhega fureysatay baaqyo ah waxka bedelka qodobada qaar ee kujira Xeerka Saxaafadda ee horyaalla Madaxweynaha Soomaaliya horayna u ansixiyeen Baarlamaanka labada Aqal.
Qodobada ku jira Xeerka Saxaafadda ee Urrurada Saxaafadda & Wariyeyaasha ay walaac ka muujinayaan ayaa waxaa kamid ah.

1: In dhamaan Wariyeyaasha Madaxa bannaan ee ka howlgalla dalka ay qaataan Kaararka Aqoonsiga Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

2: In Xeerka uu dhigayo in dhamaan Idaacadaha iyo Tv-yada ka howlgalla dalka aysan aheyn kuwa jira hadda kadibna la diiwaangelinayo.

3: In Warbaahinta ay diiwaangelin ka qaataan Dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleeyada iyo guddiga Warbaahinta oo Urrurada saxaafadda ay sheegeen in gudigaas ay u arkaan mid faafreeb ku sameynaya Wararka Idaacaddaha ka baxa.

4: Qaabka xeerku farayo in uu u dhismo golaha saxaafadda Qaranka

Xoghayaha Ururka SJS Cabdalla Axmed Muumin ayaa sharaxaad dheeri ah ka bixinaya qodobada caqabad ku noqon kara Shaqada Warbaahinta iyo Wariyeyaasha Soomaaliyeed ee xeerka kujira.

Like it? Share it!

Leave A Response