Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ku eedeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu jebiyay qodob soo jireen dastuuri ah. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa waxaa uu ku sheegay in 30-kii Maalmood ee Madaxweyne Farmaajo uu u heystay soo magacaabista Ra’iisul...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo xalay ku hoyday degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa halkaasi ka bilaabay kulamo xal loogu raadinayo dagaal beeleedyada kusoo laab laabtay tuulooyinka hostaga degmadaas. Madaxweyne Waare ayaa sheegay in ay nasiibdarro tahay in xilligaan lagu dul dagaalamo dadka Shacabka ah,isla markaana...

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Arbaco ah lagu soo bandhigo Xeerka Saxaafadda Soomaaliya, iyada oo Urrurada Saxaafadda Soomaaliya ay walwal ka muujinayaan qodobada qaar ee ku jira xeerkaas. Muddo ku dhaw 8 Bilood ayuu xeerka agyaalaa Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana qodobada kujira xeerka uu yahay mid qatar ku ah Warbaahinta & Wariyeyaasha...

Iyadoo inta badan gobolada dalka ay howlgallo ka dhan ahAl-Shabaab ka wadaan ciidanka Kumaandooska DANAB ayay Ciidamada saldhig cusub ka sameeysteen magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelada Dhexe. Taliyaha guutada 16-aad Kumaandooska Xoogga Dalka Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo lahadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sheegay saldhigan ciidanka Danab ay...

Wararka naga soo gaaraya degmada Wadajir gaar ahaan Xaafadda Siliga Ameerikaanka ayaa waxa ay sheegayaan in Koox hubeysan ay halkaasi ku dishay nabadoon si weyn looga yaqaanay degaanka. Nabaddoonka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray  Sh Cali Maxamed Cismaan. Goobjoogayaal ayaa  u sheegay  warbaahinta   in xilliga la dilaayay uu ku sugnaa xarun oo uu ku leeyahay halka...

Wafdi uu hoggaaminaayo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa goor dhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug. Garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareb ayaa waxaa kusoo dhaweeyay  Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug. Safarka ayaa waxaa ku wehliyay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee degaanada maamulka Galmudug. Waxgaradka iyo siyaasiyiinta...

Ciidamada Liyuu Booliis ayaa ku guul-dareystay kala qaadista maleeshiyo beeleed saacado ku dagaalamay deegaanka Garasle Dowlad Deegaanka Soomaalida oo isku heysta dhul daaqsimeed. Maleeshiyaad labada dhinac qaarkood ayaa ku dhintay dagaalka halka kuwa kale ay dhaawacmeen, waxaana si iskii ah u istaagay dagaal beeleedka salka ku haya dhul daaqimeedka. Askarta Liyuu Booliis...

Dibad-baxayaal carreysan oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta, kuwaas oo kasoo horjeeda xiriirka dalkooda uu la sameystay Imaaraadka Carabta, ayaa aas-aasay urur iska caabin, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Anadolu Agency. Ururkan oo ay aas-aasen rag ka mid ah mucaaradka Imaaraadka Carabta oo ay ku jiraan Saeed Nasser Al-Taniji, Saeed Khadim Bin Touq Al-Mari, Ahmad...

Qaar kamid ah dhallinyarada degmooyinka gobalka Banaadir ee ka qeybta ahaa olalaha ka hortagga cudurka safmarka ah ee Covid-19, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda caafimaadka iyo maamulka gobalka Banaadir aysan bixin mushaarkii dhallinyaradii howshaan waday. Mushruuc wacyi gelin ah oo soconayay muddo laba bilood ah, bishiina lagu qaadanayay lacag...

 Ciidanka milateriga gaarka ah ee Kumaan dooska Soomaaliya ee DANAB ayaa gelinkii dambe ee Axaddii gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. Ciidankaan oo wata gaadiid dagaal ayaa safar dhulka ah uga baxay Muqdisho waxeyna dageen gudaha magaalada Jowhar iyadoo ay arintaasi ka dhalatay hadal heyn badan. Illaa iyo hadda si dhab ah looma ogeyn ujeedka ciidanka...