Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Dowladda Itoobiya ayaa dhiggeeda dalka Masar waxaa ay uga digtay in ay saldhig millateri ka samaysato deegaannada Somaliland, kaas oo Itoobiya ay sheegtay in uu qatar ku keeni kara amniga gobolka Bariga Afrika. Afhayeenka Wasaraadda Arrimaha Dibadda Itoobiya Ambassador Dina Mufti ayaa u sheegay The Nation: in Masar ay tahay mid madaxbanaan oo xaq sharci ah u leh inay xiriir...

Madasha Xisbiyada Qaran ee dalka ayaa guud ahaan iska diiday qorshaha baarlamaanka Soomaaliya uu maanta xilka kaga qaaday Ra’iisul Wasaarihii dalka Xasan Cali Kheyre iyo xukuumaddiisa. Madasha ayaa ku tilmaamay qorshahaasi mid lagu carqaladeynaayo hanaanka doorashooyinka dalka, islamarkaana lagu sameynayo Muddo kororsi. Waxa ay Madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeysay in...

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu igmaday Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sii socodsiinta iyo maareynta howlaha Golaha Xukuumadda si kumeel gaar ah.   Wareegtada Madaxweynaha ayaa ku saleysan in aanu hakad gelin qorsheyaasha dowlad-dhiska...

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle ayaa si adag u diiday in xilka laga qaaday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Xukuumaddiisa. Waxaa uu sheegay in Xildhibaano doonaya Muddo kororsi ay maanta carqaladeen kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka ayna sheegeen in Xukuumadda Soomaaliya Xilka laga qaaday. Waxaa uu sheegay Wasiir Islow Gudoonka...

Madaxweynihii hore ee Dalka Tansaaniya, Benjamin William Mkapa  ayaa wuxuu dhintay  Jimcihii  isagoo jira da’da 81-ka ah. Geerida Madaxweynihii hore  ayaa Waxaa xaqiijiyay  madaxweynaha dalka Tanzinia John Magufuli., isagoo ka Codsaday shacabka wadankiisa in ay u duceeyaan. Magufuli wuxuu ku dhawaaqay toddobo maalmood oo baroordiiq ah,iyadoo   calanka qaran  hoos...

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay in la riday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Xukuumaddiisa. Waxaa uu sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay dhacday. ...

Maanta oo kale 24-kii Bishii July ee sanadkii 2019 xilli galab ah ayaa qarax la sheegay in uu ahaa ismiidaamin waxaa uu ka dhex-dhacay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir,waxaana qaraxaasi ku geeriyooday mas’uuliyiin. Xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa waxaa socday kulan uu shir guddoominayay Guddoomiyihii G/Banaadir ahaana duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Yariisow,waxaana...

Qandaraasle amni oo la shaqayey sirdoonka iyo laamaha amniga ee Jarmalka ayaa shaaciyay eedo layaab leh oo ka dhan ah dowladda Qatar, kuwaas oo uu ku sheegay in Doxa ay maal geliso dhaq-dhqaqaaqa Xisbullah ee Mareykanka iyo Midowga Yurub ay argagixisadda u aqoonsadeen, isla markaana ay ku dhawaaqday in Yahuudu ay tahay cadowga dalkan yar ee ku yaalla Gacanka Khaliijka. Wargeys...

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay ku baxeen Shaqaaqo ka dhacday degaanka banaaney oo qiyaastii Beledweyne u jira 15km ,kadib markii halkaasi ay wada dagaalameen laba maleeshiyo Beeleed. Guddoomiye ku xigeenka Maaliyada iyo Siyaasada Gobolka Hiiraan Abuukar Sheekh Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Beldweyne Maxamed...

Kumannaan qof oo ka barakacay fataahadda webiga Shabelle ee deegaannada hoostaga degmada Afgooye ayaa sheegaya in aan weli la gaarsiin gurmadka ay u baahanyihiin maadaama ay barakaceen. Dowladda Soomaaliya ayaa maalin ka hor sheegtay in lacag nus milyan dollar ah ay si degdeg ah u gaarsiin doonto deegaannada ay daadadku ku aafeeyeen, hayeeshee taasi aysan weli gaarin. Axmed...