Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Maamulka Puntland ayaa ka digay in ay sii socoto dastuur jabin ay sheegeen in ay ku kaceen Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ka dib markii uu dhawaan sheegay in Sharciga qaarkood aysan khuseyn Aqalka Sare. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan  in uu hareermaray dastuurkii lagu...

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar geystay khasaaro kala duwan oo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya lagula eegtay duleedka degmada Balcad oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Gaadiid ay wateen Ciidamada Dowladda oo ka ambabaxay Magaalada muqdisho qarax miino lagula eegtay inta u dhaxeysa degmada Balcad...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah. Kulan gaara ah oo ay yeesheen ayaa looga hadlay qabsoomidda doorashada heer qaran, dibu-u-habeynta amniga iyo dhammeystirka qorshaha deyn cafinta maadaama Soomaaliya...

Madaxda Dowlad goboleedyada ayaa war murtiyeed si wadajir u soo saaray ku shaaciyay inay shir degdeg isugu imaanayaan,kaas oo lagu qabanayo Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Shirkaan ayaa qabsoomi doono doona 9 bisha July oo ku beegan Khamiista soo socota,waxaana War-murtiyeedkooda ay ku sheegeen in shirka looga hadli doono arrimaha masiiriga ah ee dalka gaar...

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa lagu wadaa in mid kamid ah Kulamadooda caadiga ah ay ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho. Ajandayaasha Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka ayaa waxaa ay kala yihiin, Codeynta Hindise Sharciyeedka Mihanadlayaasha Caafimaadka iyo Akhrinta labaad Hindise Sharciyeedka...

Kooxaha Burcadda Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa bilihii la soo dhaafay ay kordhiyeen weerarada hubeysan oo ay la beegsanayaan Soomaalida Ganacsi ahaan u tegay dalkaas,waxaana ay dil, dhaawac iyo baab ay u geysteen Soomaali farabadan. Xalay waxaa Magaalada Port Elizabeth ee dalkaasi Koonfur Afrika goobtiisa Shaqada ay Kooxaha Burcadda ah ku dhaawaceen muwaadin Soomaaliyeed...

Booliska dalka Itoobiya ayaa sheegay dadka ku dhintay mudaharaadyada rabshadaha watay ee dalka Itoobiya ka dhacay ay ku dhinteen 166 qof. Taliye ku xigeenka booliska deegaanka Oromada Girmaa Galaan wuxuu FBC u sheegay mudaharaadyadi rabshadaha watay ee dalka Itoobiya ka dhacay dadka ku dhintay inay isugu jiraan 145 qof oo shacab ah iyo 11 askari oo ka mid ah ciidamada...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta bilowday dhageysiga eed ka dhan ah Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Isgoyska Ceel-gaabta ee Muqdisho si bareer ugu dilay Nin Odey halkaas ku lahaa goob yar oo Ganacsi. Nuur Daahir Geedi oo ah Askariga dilay Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cumar Xasan Macalin ayaa qirtay inuu ka dambeeyay falkaas, isagoo u...

Waxaa muuqata suurta-galnimada Taiwan ay saldhig militari ka sameysato Somaliland, gaar ahaan magaalo xeebeedka Berbera, taasoo qayb ka ah heshiis laba-geesood ah oo ay la gashay maamulka Somaliland oo caalamka u aqoonsan yahay gobol ka mid ah Somalia. Kowdii bishii Luulyo ayaa wasiirka arimaha dibadda Taiwan Joseph Wu (吳 釗 燮) wuxuu ku dhawaaqay in dowladaha Taiwan...