Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

by admin | Monday, Jul 6, 2020 | 432 views

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar geystay khasaaro kala duwan oo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya lagula eegtay duleedka degmada Balcad oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Gaadiid ay wateen Ciidamada Dowladda oo ka ambabaxay Magaalada muqdisho qarax miino lagula eegtay inta u dhaxeysa degmada Balcad & degaanka Qalimow,isla markaana uu xigay weerar toos ah oo ciidamada lagu qaaday,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal dhex-maray Ciidamada Dowladda & Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Weli sirasmi ah ah looma oga khasaaraha labada dhinac kasoo gaaray dagaalka,balse Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa waxaa lagu daabacay in weerarkaasi lagu dilay Saddex Askari sidoo kale lagu gubay Gaadiid Booyad ah oo shidaal u waday Ciidamada Burindi ee ku sugan Magaalada Jowhar.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Dhexe weli wax faah faahin ah kama bixin weerarkaas,hayeeshee waxaa uu kusoo aadayaa xilli shalay Al-Shabaab wadada xiriirisa Jowhar & Balcad ay gaari laga dageen Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Hir-Shabeelle,kadibna ay dileen.

Like it? Share it!

Leave A Response