Koonfur Afrika: Weerarada ka dhanka ah Soomaalida oo kordhay

by admin | Monday, Jul 6, 2020 | 405 views

Kooxaha Burcadda Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa bilihii la soo dhaafay ay kordhiyeen weerarada hubeysan oo ay la beegsanayaan Soomaalida Ganacsi ahaan u tegay dalkaas,waxaana ay dil, dhaawac iyo baab ay u geysteen Soomaali farabadan.

Xalay waxaa Magaalada Port Elizabeth ee dalkaasi Koonfur Afrika goobtiisa Shaqada ay Kooxaha Burcadda ah ku dhaawaceen muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Maxamed Barre,kaas oo xaaladiisa Caafimaad haatan lala tacaalayo.

27-kii Bishii la soo dhaafay waxaa lagu dilay Gobolka Eastern Cape muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Daahir Carte,halka la dhaawacay muwaadin kale oo lagu Magacaabo Cumar Maxamed Dhiblaawe.

Dilalka, dhaawaca iyo in la boobo hantidooda ayaa waxaa ay si joogta ah uga dhacaan dalka Koonfur Afrika,waxaana falkaasi geysta Kooxaha Burcad Koonfur Afrikanka ah, iyad aoo aysan jirin cid wax ka qabata dhibaatada lagu haayo Soomaalida.

Like it? Share it!

Leave A Response