Maxkamadeynta Askari Qof Shacab ah u dilay laba Kun Shillin Soomaali ah oo bilaabatay

by admin | Sunday, Jul 5, 2020 | 415 views

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta bilowday dhageysiga eed ka dhan ah Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Isgoyska Ceel-gaabta ee Muqdisho si bareer ugu dilay Nin Odey halkaas ku lahaa goob yar oo Ganacsi.

Nuur Daahir Geedi oo ah Askariga dilay Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cumar Xasan Macalin ayaa qirtay inuu ka dambeeyay falkaas, isagoo u dilay muran ka dhashay laba kun oo shilin Somaali ah oo Odeyga kaga iibsan lahaa sigaar.

Xeer Ilaaliyada guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Gen Cabdullaahi Buule Kameey ayaa Maxkamadda ka dalbaday in xukun dil toogasho ah lagu fuliyo Eedeysane Nuur Daahir, taasi oo noqoneysa qisaasta Marxuumka.

Like it? Share it!

Leave A Response