Wax ka baro Taariikhda Madaxweynihii Geeriyooday ee Tanzania ee Benjamin Mkapa

by admin | Saturday, Jul 25, 2020 | 419 views

Madaxweynihii hore ee Dalka Tansaaniya, Benjamin William Mkapa  ayaa wuxuu dhintay  Jimcihii  isagoo jira da’da 81-ka ah.

Geerida Madaxweynihii hore  ayaa Waxaa xaqiijiyay  madaxweynaha dalka Tanzinia John Magufuli., isagoo ka Codsaday shacabka wadankiisa in ay u duceeyaan.

Magufuli wuxuu ku dhawaaqay toddobo maalmood oo baroordiiq ah,iyadoo   calanka qaran  hoos loo dhigi doono.

Madaxweynaha ayaa ugu yeeray dhammaan reer Tansaaniya in ay “is dajiyaan, samirne  yeeshaan oo ay midoobaan inta lagu jiro xiligan adag” sidaa  waxaa hadalka  ku sheegay  Afhayeenka madaxweynaha Gerson Msigwa.

Mkapa ayaa  wuxuu xukunka la wareegay xilligii wadanka bariga afrika  kuyaala uu ka dhacayay dhaqaalo xumadii aadka u daranayd iyo  sicir bararkii  baahsanaa, wuxuuna ku guuleystey in uu abuuro dhaqaalaha wadanka oo liitay.

Mkapa, oo ah diblomaasi, wuxuu xilka madaxweynaha hayey 10 sano laga soo bilaabo 1995 ilaa 2005-tii.

Wuxuu ku dhashay 1938-dii  degmada Masasi ee saboolka ah oo kutaala koonfurta Dalka Tansaaniya.

Madaxweynihii hore ee Dalka Tansaaniya, Benjamin William Mkapa  ayaa wax ku soo bartay Jaamacadda Makerere ee Uganda halkaas oo uu ku qaatay shahadada digiriiga luuqada Ingiriis-ka, Dhaqaalaha iyo Taariikhda 1962-kii.

Ma uusan joojin Wax barashadiisii waxaa uuna sanadkii xigay u kicitimay Wadanka Mareykanka isagoo ku  biiray jaamacada Columbia ee dalkaasi, waxaana uu ka qalin jabiyay 1963-kii halkaas oo uu ku qaatay shahaadada Masterka ee Xiriirka Caalamiga ah.

Kahor inta uusan noqon madaxweynaha, Mkapa wuxuu kusoo shaqeeyey awoodo kaladuwan Sida saxafi ahaan, sarkaal maamulka  ah iyo wasiirka sayniska, teknolojiyadda iyo tacliinta sare.

Wuxuu soo noqday wasiirka arrimaha dibadda 1977-kii  ilaa 1980-kii  iyo mar kale 1984 ilaa 1990-kii

Sannadkii 1995-kii,  Mkapa waxaa loo doortay madaxweyne ku saleysan olole caan ah oo ka dhan ahaa  musuqmaasuqa iyo taageerada xooggan ee uu aasaasey Madaxweyne Julius Nyerere.

Bogga  Twitter-ka  Madaxweyne john Magufuli ayaa lagusoo daabacay in Mkapa uu ahaa waddani dhab ah, hoggaamiye adag oo dhisay dhaqaalaha wadanka, wuxuuna sheegay in qaranku lumiyey tiir adag.

Raila Odinga, Ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya ahna hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ODM, ayaa  Mkapa ku tilmaamay inuu ahaa saaxiibkii weyn ee dadka Kenyanka ahaa, afrikaanka ah, rumeeyaha dhabta ah ee iskaashiga-South-South iyo dowlad-caalami ah.

Like it? Share it!

Leave A Response