Ciidamada Ahlusunna ee la wareegay Guriceel oo howlgal billaabay

by admin | Friday, Oct 8, 2021 | 227 views

Wararka naga soo gaaraya degmada Guriceel ee Gobolka Galgsduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Ahlusunna ee dhawaan  la wareegay degmadaas ay Maanta bilaabeen howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa la sheegay inay howlgal u aadeen degaano hoostaga degmada Guriceel, sida degaannada Jaw Burujeed & Daadaale, halkaas oo la sheegya inay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil katirsan Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedkooda uu yahay sidii ay uga saari lahaayeen Al-Shabaab degaannada Koonfureed ee degmada Guriceel, halkaas oo ay dadka ku dhibaateeyaan.

Dadka Xoolo dhaqatada ah ee kunool degaannada Jaw Burujeed & Daadaale ayaa muujinaya cabsi ku aadan in dushooda lagu dagaalamo,.isla markaana ay waxyeelo kasoo gaarto.

Hoggaanka Sar Sare ee Ahlusuna Waljamaaca ayaa dhowr jeer waxaa ay ku cel ciyeen in u jeedkooda uu yahau sidii ay ula dagaalami lahaayeen Ururka Al-Shabaab, waxaana howlgalkaan uu kusoo aadayaa xilli xiisad ay kala dhaxeeyso Madaxda Galmudug.

Like it? Share it!

Leave A Response