Ciidamada dowladda oo dilay darawal gaari & sababta ka dambeysa

by admin | Sunday, Dec 6, 2020 | 323 views

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa toogasho ku dilay darawal gaari isagoo ku sugan deegaanka Warmaxan ee hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida la sheegay darawalkaan ayaa kaxeynayay gaari nuuca loo yaqaano (Land Cruiser), wuxuu ka ambabaxay magaalada Muqdisho isagoo kusii jeeday degmada Jalalaqsi ee ka tirsan gobolka Hiiraan.

Sida ay Caasimadda Online u sheegeen dad goob joogayaal ah darawalkaan oo magaciisa lagu soo koobay Fanax ayey murmeen qaar ka tirsan ciidamo ku sugnaa kontoroolka deegaanka Warmaxan kuwaas oo gaadiidka wadadaas isticmaala lacago ka qaada, waxaana xigay iney dhawr xabadood ku dhufteen.

Si kastaba warar kale ayaa sheegaya in labadii askari ee ka dambeysay dilka la keenay Saldhigga degmada Afgooye iyadoo saraakiisha ciidamada ee kontooroolka ay ku guuleysteen iney soo qabtaan.

Darawalada inta badan waxey la kulmaan dhibaatooyin kaga yimaada ciidamada Dowladda iyadoo ay jiraan askar badan oo loo maxkamadeeyay iney dileen darawalo gudaha Muqdisho iyo wadooyinka isku xiriiriya caasimadda iyo gobolada kale

Like it? Share it!

Leave A Response