Ciidamada dowladda Soomaaliya oo howlgal ay ka sameeyey gobolka Baay.

by admin | Thursday, Apr 18, 2024 | 22 views

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa weerar ku qaaday fariisin Al-Shabaab ay ku lahaayeen degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Duulaanka la beegsaday ayaa ka dhacay deegaanka Taflow oo qiyaastii 28 KM dhanka koonfureed kaga beegan degmada Bardaale, halkaasi oo ay fariisimo ka sameysteen maleeshiyaad hubeysan.

War ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay 9 ka tirsan Al-Shabaab. Ciidamada ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

“Howlgalka intii uu socday ciidamada iyo kuwa nabadsugidda gobolka waxa ay kusoo furteen 7 qori oo AK-47 ah, hal qori oo BKM ah, iyo sanaadiiqda rasaasta badan, sidoo kale sagaal maleeshiyaad ah ayaa la dilay” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada isku dhafka ah ay hadda ku guuleysteen gacan ku heynta deegaanka Taflow oo horay u ahayd xudunta u ah weerarada qorsheysan iyo fulinta Al-Shabaab.

Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxaa si joogta ah u fuliya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka ee ku dhaqan gobalada Baay iyo Bakool, si ay u carqaladeeyaan dhaq dhaqaaqyada maleeshiyada.

Like it? Share it!

Leave A Response