Dagaal beeleed muddo bilo ah ka socday degmada Buurhakaba oo la soo afjaray.

by admin | Thursday, Apr 18, 2024 | 21 views

Maamulka Degmada Buur-Hakaba ayaa ku guuleystay in ay soo afjaraan dagaal beeleedyo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada, iyadoo dadaallo wada jir ah ka dib la heshiisiinayay dhinacyadii dagaalamay.

Iska hor imaadka ayaa sababay dhimashada dadbadan , iyadoo qaar kalena ay guryahooda ka carareen kadib markii uu dagaalku dhacay.
Tani waxay sidoo kale saamaysay qaab nololeedka dadka deegaanka maadaama qaybo badan oo ganacsigu ka mid yahay uu curyaamiyay.

Hogaamiyeyaasha ayaa bogaadiyay tallaabada uu qaaday wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya Ilyaas Cali Xasan oo bogaadiyay dadaallada wadajirka ah ee lagu soo afjaray dagaal beeleed muddo bilooyin ah ka socday magaalada Buur-Hakaba ee gobolka Baay.

“Waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadcelinayaa dhammaan intii doorka muhiimka ah ka qaadatay dadaalkan, sida saraakiisha, odayaasha, waxgaradka, iyo gaar ahaan Madaxweyne Laftagareen,” ayuu yiri.

“Waxaan ku rajo weynahay in soo celinta nabadda ay u sahli doonto qoysaska barakacayaasha ah inay ku laabtaan guryahoodii oo ay nolol maalmeedkooda dib ugu bilaabaan deegaan nabdoon oo ammaan ah. Guushaas waxa ay daliil u tahay awoodda midnimada iyo wada-hadallada ee xallinta khilaafaadka iyo dib-u-heshiisiinta,” ayuu raaciyay.

Dadka deegaanka ayaa u mahad celiyay dadkii ka qeyb qaatay nabadeynta, waxayna rajo ka muujiyeen in mar qura la soo afjaro colaada u dhaxeysa maleeshiyo beeleedyada, kadib markii la sameeyay tallaabooyin adag oo lagu qaadayo dadka wada dagaal beeleedyada.

Like it? Share it!

Leave A Response