Ciidamo horleh iyo Gaadiid dagaal oo gaaray Gobolka Hiiraan

by admin | Friday, Oct 14, 2022 | 443 views

Ciidamadii ugu Badnaa oo ah kuwa degaanka iyo Ciidamada xooga Dalka Soomaaliyeed sida Ciidamada kumaandooska DAMAB iyo Ciidammo ka tirsan qeybta 21 aad ayaa gurmad ahaan u gaaray degaanka Yasooman iyo nawaaxigeeda .

Ciidamadaan oo ah qeybtii labaad ayaa ka kala timid Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, iyaga oo qeyb la noqonaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda meelo kamid ah Gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa horkacayo Gulufka dagaal ee Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ka wadaan Gobolka Hiiraan, iyaga oo degaano dhowr ah kala wareegay Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response