Ciidamo Itoobiyan ah oo aan kamid aheyn howlgalka ATMIS oo soo gaaray Soomaaliya

by admin | Friday, Mar 10, 2023 | 258 views

Waxaa saacadihii la soo dhaafay gaarey Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo Ciidamo farabadan oo Itoobiyaan ah, kuwaas oo aan kamid aheyn howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, iyada oo siwyen halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Ciidamada ayaa waxaa kasoo horreeyay oo degmada Doolow soo gaaray Madaxa hawlgalinta ciidanka militariga Dowladda Itoobiya General Tasfaye Ayalew iyo taliyaha guud ee ciidanka xooga gaarka ee Dowlad Deegaanka soomaalida iyo Sarakiil kale oo ka socotay dowladda Itoobiya.

Mas’uuliyintaan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Degmada Doolow ee Gobolka Gedo kusoo dhaweeyay Saraakiisha Ciidamada, Guddoomiyaha Degmada Doolow Mohamed Hussein Cabdi lafeey iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ujeedada safarka Saraakiishaan iyo Ciidamada Itoobiya ayaa lagu sheegay inay tahay in layska kaashaado amniga Xuduudaha iyo sidii loo cirib tiri lahaa Al-Shabaab, waxaana Saraakiisha ay u sheegeen maamulka & odayaasha in ciidamo cusub oo howlgal ka sameyn doona deegaanada Jubbaland ay dhawan imaan doonaan Degmada Doolow.

Ciidamo Itoobiyan ah oo horleh ayaa la filayaa inay dhawaan soo gaaran Gobolka Gedo, iyaga oo saldhig ka sameysanaya magaalada Baardheere, ayna ka qeyb qaadan doonaan ka xoreynta Al-Shabaab deegaanada ay uga hareen gobolka Gedo iyo guud ahaan gobolka Jubadda Dhexe.

Like it? Share it!

Leave A Response