Ciidanka xoogga dalka oo dhaq dhaqaaq ka bilaabay gobolka Mudug

by admin | Thursday, Apr 15, 2021 | 308 views

Ciidamada xoogga dalka qeybta 21 aad ayaa lagu soo waramayaa in dhaq dhaqaaq ciidan ka wadaan koofurta gobolka Mudug, sida laga soo xigtay saraakiisha ciidanka.

Ciidamada ayaa fariisimo cusub ka sameystay degaanka Bajeele ee gobolka Mudug, iyadoo bulshada degaanadaas ku dhaqan kala hadleen ka wada shaqeynta amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab oo marraka qaar Xubno ka tirsan ay tagaan degaankaas.

Mid ka mid ah saraakiisha Ciidamada dowladda ee Gobolka Mudug ayaa Warbaahinta u shegay in ujeedka howlgalka uu yahay inay Al-Shabaab ka saaraan degaannada Gobolka Mudug, isla markaana ay adkeeyaan Amniga.

Degaan ka tirsan koofurta gobolka Mudug ayaa waxaa horay ugu dagaalamay Ciidamada dowladda oo garab ka helaya dadka degaanka iyo Al-Shabaab, waxaana Ciidamada ay howlgallada kula wareegeen degaano dhowr ah.

Like it? Share it!

Leave A Response