Cumar Cabdirashiid oo ka digay heshiis Farmaajo la galayo Eritrea iyo Itoobiya {AKHRISO}

by admin | Tuesday, Mar 30, 2021 | 333 views

Senator Cumar Cabdrashiid Cali Sharmaake oo laba jeer Soomaaliya kasoo noqday Ra’iisul Wasaare ayaa ka digay heshiis uu sheegay in uu u dhaxeeyo, Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya .

Cumar Cabdirashiid oo Qoraal soo dhigay Bartiisa ayaa waxaa uu sheegay in heshiiskaas oo ah amni iyo difaac uu yahay arrin khatar keeni karta oo u baahan fiiro gaar ah.

“ Heshiiska la isla dhex marayey oo ku saabsan Amniga& Difaaca oo dhexmara Eriteriya, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa noqon kara arrin khatar keeni karta oo fiiro gaar ah u leh Sababta oo ah adeegsiga aan dhamaadka lahayn ee waaxda amniga, waxay noqonaysaa walaac daran ayuu yiri” Senator Cumar Cabdrashiid.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Senator Cumar Cabdrashiid in noqoneyso walaac aad u daran haddii dowladda waqtigeeda dhamaaday isku daydo inay heshiis noocaas ah ku saxiixdo Addis Ababa.

Hadalka Senator Cumar Cabdrashiid Cali Sharmaake ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaafay warar soo baxayay ay sheegayeen inuu jiro shir Addis Ababa ku dhex mari doono madaxweynaha Ereteruya Isaias Afwerki, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Like it? Share it!

Leave A Response