Cunug yar oo lagu riday Musqul iyo ciidamo si deg deg ah usoo bad baadiyay (Sawirro)

by admin | Sunday, Mar 17, 2024 | 46 views

Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer waxaa xalay ka dhacay dhacdo dad badan aad uga argagaxeen, kaddib markii hooyo la sheegay in cunug yar oo saacado kahor un dhashay ay ku dhax riday musqul .

Dhacdadan oo si deg deg ah looga war helay ayaa lagu war-galiyay ciidanka dab-damiska magaalada Burco, waxa ayna ciidanka oo howlgal deg deg ah sameeyay ku guuleeseen in cunuga yar soo badbaadiyaan isaga oo nool.

”Ilaahay mahadii Naftood hurayaasha Ciidanka Dabdemiska ayaa ku guuleystay inay ilmahaa yar ka soo samata-bixiyaan Suuliga isagoo nool, waxaana ciidanku isla markiiba gaadhsiiyeen cisbitaalka magaalada Burco. Marar badan ayaa Dhacdooyin noocan oo kale ah ciidanku caruur kaga soo badbaadiyeen Musqulo lagu riday ama ku dhacay” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay ciidanka dab-damiska Somaliland.

Dhacdadan ayaa waxaa aad uga naxady dadka degan magaalada Burco gaar ahaan xaafada ay ka dhacday, waxa ayna dadku aad isku weediinayaan sababta keentay dhallaankan aan dambiga gelin in musqul lagu dhax tuuro.

Hooyooyin badan oo uur si qaldan ku qaaday ayaa carruur ay dhaleen marar badan musqulo ku dhax tuuray halka kuwa kalana ya nolosha dhaafiyeen carruurtaasi, waxaa sidoo kale jira kuwa kale oo iyana jidadka uga taga carruurtaasi oo nool.

Like it? Share it!

Leave A Response