Daadadka ku dhuftay Tansaaniya oo dilay ku dhawaad ​​60 qof.

by admin | Monday, Apr 15, 2024 | 37 views

Ku dhawaad ​​60 qof ayaa ku dhimatay tan iyo bilowgii bishan roobab mahiigaan ah iyo fatahaado ku dhuftay qeybo badan oo ka tirsan Tanzania, sida ay sheegtay dowladda.

Gobolka xeebta ee dalka Bariga Afrika ayaa ah mid ka mid ah meelaha ugu daran, iyadoo daadadku ay waxyeello u geysteen kumannaan beero ah oo halkaas ku yaalla, Mobhare Matinyi, oo ah afhayeenka dowladda, ayaa hadal uu Axaddii ku sheegay.

“Saameyn halis ah ayaa ka dhacday gobolka xeebta halkaas oo 11 qof ay ku dhinteen,” ayuu Mr Matinyi hadalkiisa ku daray.

Jimcihii la soo dhaafay, siddeed carruur ah oo iskuulleey ah ayaa dhintay ka dib markii bas ay saarnaayeen uu ku dhacay tog daadad ah oo ku yaalla waqooyiga dalka.

Abriil waxay calaamad u tahay xilliga roobaadka ee Tansaaniya. Sanadkan waxaa da’ay roobabkii ugu badnaa ee sanadadii lasoo dhaafay.

Roobabka mahiigaanka ah ayaa sidoo kale sababay dhimashada ugu yaraan 13 qof halka 15,000 ay ku barakaceen dalka dariska la ah Kenya, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Dhacdada cimilada El Niño ayaa ka sii dartay roobab xilliyeedka sanadkan, khubarada cimiladu waxay sheegeen.

Like it? Share it!

Leave A Response