Dab khasaare xoogan geystay oo Xalay ka kacay Suuq ku yaala magaalada Baledweyne

by admin | Monday, Aug 14, 2023 | 90 views

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab khasaare xoogan geystay oo Xalay saqdii dhexe ka kacay Suuqa Daraawiishta oo ku yaala bartamaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dabkaan Xalay ka kacay Suuqa Daraawiishta Baledweyne oo aan ilaa hada la cadeyn waxa uu ka dhashay ayaa sababay iney bas beelaan goobo badan oo ganacsi oo ku yaalay suuqaasi.

Dabka damintiisa ayaa qaadatay saacado badan, maadaama magaalada Baledweyne aysan laheyn gaadiid dab damis ah, hayeshee dabka ma uusan geysan wax khasaare nafeed ah marka laga soo tago khasaaraha hantiyadeed oo isna aan wali la ogeyn inta uu dhan yahay.

“Meesha waxaa ka kacay dab aad u xoogan khasaare aad u fara badana waa ka dhashay, wuxuuna ka kacay suuqa Daraawiishta, meesha burbur aad u xoogan ayaa ka dhacay dabka xalay ayuu soo billowday, illaa saaka ayaana lala daala dhacayay” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ka qeyb qaatay daminta dabka.

Baledweyne oo ah magaalo aad u baaxad weyn oo ay ku yaalaan shirkado waa weyn malahan wax gaadiid dab damis ah, waxaana horay sidaan oo kale dab uu u qabsaday goobo ganacsi iyo guryo dad shacab ah dagan yihiin.

“Wax dab damis ah oo na soo gaaray ma jiraan, booyado ay soo direen shirkado ganacsi oo magaalada ku yaalla iyo biyo laga soo qaaday xaafidihii ka ag dhawaa suuqa ayaa lagu damiyay dabka ” ayuu yiri markale yiri mid ka mid ah dadkii ka qeyb qaatay daminta dabka.

Like it? Share it!

Leave A Response