Dab khasaaro geystay oo ka kacay Xaafad ka tirsan Muqdisho{sawiro}

by admin | Sunday, Nov 1, 2020 | 354 views

Dabka oo geystay khasaaro hantiyadeed ayaa waxaa uu ka kacay guri ku yaalla dhabarka dambe ee guriga Hooyooyinka ee degmada Xamarweyne, waxaana uu ku faafay Guryo kale oo ku dhegay guriga uu damba ka kacay.

Dadka deriska la ah guiga uu dabka ka kacay ayaa waxaa ay sheegene in uu dabka ka bilaawday Korono, isla markaana uu baabi’iyay guriga uu ka bilaawday sidoo kalena uu ku faafay guryo kale.

Xaafada uu dabka ka kacay ayaa waxaa ay tahay mid isku raran ah, waxaana jirtay in saacado badan uu qaato in uu dabka ku faafo Guryo kale maadaama gaadiidka dam-demiska uu geli waayay, hayeeshee ugu dambeyn la demiyay.

Shacabka ku nool agagaarka Guriga uu dabka ka kacay ayaa waxaa ay ugu baaqeen Maamulka Gobolka Banaadir inay Xarumo loogu soo hagaago u sameeyaan Gawaarida dam-damiska oo mararka qaar si degd eg ah lagu heli waayo.

Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa waxaa mararka qaar ka kaca dab xoogan oo inta badan geysta khasaaro hantiyadeed, waxaana jira guryo ku yaalla Xaafado Obasiib ah oo ay geli waayaan Gaadiidka dam-demiska.

  

Like it? Share it!

Leave A Response