Dad banaanbax dhigayay oo lagu xir xiray Guriceel

by admin | Friday, Aug 28, 2020 | 689 views

Wararka laga helayo degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayan in Ciidamada Ammaanka degmadaasi ay maanta xir xireen qaar kamid ah Ganacsatada degmadaasi oo banaanbax dhigayay.

Ganacsatada ayaa kasoo horjeestay inay u guuraan Suusq Cusub oo lagu iibiyo xoolaha uu maamulka Galmudug ka furay magaalada Guriceel, iyaga oo sheegay in arrintaasi ay sababo amni uga baqayaan.

Ciidamada Ammaanka degmada Guriceel ayaa kaal eryay dadka banaanbaxa dhigayay, waxaana Ganacsatada qaarkood ay Risaala u sheegeen in Ciidamada ay xireen ku dhawaad 30 kamid ah banaanbaxayaasha, iyaga oo geeyay Saldhiga Booliska degmadaas.

Wasaaradda xanaanada xoolaha ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa mar hore amartay in lagu shaqo billaabo sayladda cusub oo ay dhistay Hay’ada NRC oo kaalmo ka heshay UK AID, iyada oo maamulka degmada Guriceel ay dhaqan geliyeen amarkii Wasaaradda.

Like it? Share it!

Leave A Response