Dad ku dhintay Roob ka da’ay Hargeysa

by admin | Tuesday, Aug 27, 2019 | 582 views

Saddex qof ayaa ku geeriyooday 11 kalena way ku dhaawacmeen roob galabta ka da’ay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Dadkaan ayaa ku dhintay Roobkii da’ay saacadihii u dambeeyay magaalada Hargeysa, sidoo kale dad badan ayaa ka baxay guryihii ay daganaayeen kadib markii ay biyuhu ugaleen.

Dadka ku dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxaa ku jira Caruur sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Booliska.

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa wali Magaalada ka wadda Gurmad deg deg ah oo loo sameynaayo dadka ay waxyeelado soo gaartay.

Like it? Share it!

Leave A Response