Dagaal ka dhacay Gobolka Baay & faah faahin laga helayo

by admin | Friday, Feb 25, 2022 | 315 views

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa Ciidamo katirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed iyo Xubno kamid ah Al-Shabaab waxaa uu ku dhexmaray degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ee degmada Qansax-dheere, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhaawacmeen laba Askari oo katirsan Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed, sidoo kale Ciidamada Itoobiya oo ku sugan Saldhig u dhow Goobta lagu dagaalamay ay madaafiic dhowr ah dagaalka uga qeyb qaateen.

Qaar kamid ah dadka kunool degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay ayaa sheegay in dagaalka siweyn looga dareemay gudaha degmada balse xaalada haatan ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka dadka iyo Gaadiidka ay si caadi ah u Shaqeeynayaan.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan Xubnaha katirsan Al-Shabaab ee soo weeraray.

Like it? Share it!

Leave A Response